3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2019
Madaxweyne Biixi oo cafiyey 517 maxbuus oo ku jira xabsiyadda Somaliland

Jimco, May 17,   2019  (HOL)- Madaxweynaha Somaliland ayaa  maanta cafiyey  517 maxbuus oo ku xukuman dambiyadda fudud munaasibada 18 May darteed xoriyadoodii dib loogu celiyey.

Maxaabiistan la cafiyey ayaa laga soo xullay dhamaan xabsiyadda Somaliland, kuwaas oo xukunkooda loo eegay inay yihiin kuwo fudud.

Wareegtadan ka soo baxay xafiiska madaxweyne Biixi ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-310/052019, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaan Go’aansaday;

1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 517 (Shan Boqol Toddoba iyo Toban) maxbuus.

2) Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaasi, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

3) Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.”

Dhinaca kale, magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa si weyn loogu diyaar garoobayaa dabaaldega munaasibadda 18 May oo ah maalinta lagu dhowaaqay inay Somaliland kala soo noqotay Soomaaliya midowgii ay la gashay 1960-kii.

Sanadkan iyo sanadkii ka horeeyey waxay 18 May ku soo beegantay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, inkastoo sanadkii hore maalmo hore loo soo dhigay, haseyeeshee sanadkan waxa la go’aansaday in iyadoo la sooman yahay la dabaaldego, waana markii ugu horeysay ee bil Ramadaan iyadoo lagu jiro la xuso 18 May.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.

 

 











Click here
5/17/2019 11:55 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada degmada Mahadaay ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle uu ka fatahay deegaanno ka tirsan degmadaas,isla markaana fatahaada uu geystay khasaaro hantiyadeed.

5/17/2019 11:42 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL)- Hay'adda Hormuud Foundation tan iyo markii bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan ku howlaneyd qeybita gargaar kala duwan ayaa Deeq Rashiin gar gaar ah u qeybiyay Qaar ka mid ah Qoysaska Dadka laga tira badan yahay ee ku dhaqan Magaaladda Muqdisho iyo Daafaheeda.

5/17/2019 10:34 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Dhakhaatiirta Caafimaadka ee degaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa dibad-bax nabadeesan isugu soo baxay banaanka wayn ee Isbitaalka Sheekh Xassen Yabarre ee magaalada Jigjiga.

5/17/2019 10:27 AM EST
Jimco, May 17, 2019 (HOL)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu xildhibaan Dhakool uu dambi weyn ka gallay qaranka, isla markaana ay tahay in sharciga la mariyo.

5/17/2019 8:22 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Dalalka Jabuuti, Itoobiya ,Uganda iyo Koonfurta Suudaan ayaa gaaray heshiiskii u horreyay oo ay ku doonayaan inay ku dhistaan qad isku xira caasimadohooda.

5/17/2019 7:42 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Inkasto aysan warbaahinta cayaaraha muujin wajiga bini'aadanimo ee Cristiano Ronaldo , ayaa haddana waxaa loo arka inuu yahay nin aad u garab istaaga shacabka reer Falastiin.

5/17/2019 7:36 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Safaaradda Turkiga ee ku taalla caasimadda Muqdisho ayaa hiil-weyn la dul-joogsatay Wiil dhallinyaro ah oo dhowaan sawir gacmeed ka sameeyay safiirka Turkiga ee Muqdisho iyo madaxweynaha Turkiga ,Recep Tayyib Erdogan.

5/17/2019 7:30 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Walaalka nin horay u toorriyeeyay nin makhaayad ku lahaa Melbourne oo weerarka ku geeryooday ayaa hadda qirtay inuu qorsheynayo weerar argagixiso oo dad badan lagu laayo.

5/17/2019 6:47 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) –Wasaarradda Gaadhaandhigga xukuumadda Soomaaliya in howlgal ka dhan ah Al-Shabaab laga fulinayo deegaano iyo degmooyin ay ka maamulaan Al-shabaab labada gobol ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

5/17/2019 4:05 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hadalo kulul oo aan looga baran ku weeraray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegay Xaaf in uu diiday qaadashada dawada xalka u ah Galmudug.

5/17/2019 2:58 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL)–Hay’adda Hormuud Telecome Foundation ayaa magaaladda Muqdisho ugu Qaybisay deeq lacageed qaar ka mid ah Qoysaska danta yar ee ku dhaqan magaaladda Muqdisho.

5/17/2019 2:43 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Afar ruux ayaa dhimatay ka dib markii ay diyaayad yar ku dhacday meel saddex mayl u jirta Garoonka caalamiga ah ee Dubai.

5/17/2019 2:25 AM EST
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – War ka soo baxay guddi dhawaan ay u magacaawday xukuumadda Soomaaliya arrimaha Xajka ayaa soo saaray tirada Xujeyda sanadkan loo ogolaaday Soomaaliya in ay tagaan Xajka.