4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2019
Jabuuti, Itoobiya ,Uganda iyo Koonfurta Suudaan oo ku heshiiyay inay dhistaan qad isku xira

Jimco, May, 17, 2019 (HOL) –  Dalalka Jabuuti, Itoobiya ,Uganda iyo Koonfurta Suudaan  ayaa gaaray heshiiskii u horreyay oo ay ku doonayaan inay ku dhistaan qad isku xira caasimadohooda.

Shir labo maalmood socday ayaa lagu soo afjarayay kormeerka lagu sameeyay hirgelinta qadka.

Dhinacyada ay quseysay waxay ka doodeen waxyaabihii lagu soo jeediyay kormeerka iyo xalka dhismaha oo ay fulin doonto shirkad deggan fadhigeedu yahay Nairobi, inkastoo dowladda Kenya aysan qeyb ka ahayn.

Shirka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayay dhinacyada ku saxiixdeen heshiiska fulinta, waxaana goobjoog ka ahayd IGAD,sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee Itoobiya.

Baaritaanka hordhaca ah ayaa muujinaya in dhaqaale xoog leh laga heli doono qadka isku xirka ah ka dib marka la hirgeliyo. Waxaana hadda laga fikirayaa sidii loogu gudbi lahaa qeybta fulinta mashruuca.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa horey u sheegay in Soomaaaliya ay ka digtoonaato isbedelka gobolka ee Itoobiya ay hor keceyso. Hadase waxa ay u egtahay in iskaashigii uu Geelle uga digayay Soomaaliya uu galayo mid la mid ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]