4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2019
Cristiano Ronaldo oo $1.5 milyan ugu deeqay Falastiin

Jimco, May, 17, 2019 (HOL) –  Inkasto aysan warbaahinta cayaaraha muujin wajiga bini'aadanimo ee Cristiano Ronaldo  , ayaa haddana waxaa loo arka inuu yahay nin aad u garab istaaga shacabka reer Falastiin.

Kubad-sameeyaha reer Portugal, Cristiano Ronaldo ayaa ku deeqay 1.5 milyan oo doollar oo loogu talagalay dadka Falastiin xilligan oo lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Xiddagan guulaha waa weyn ka gaaray kubadda cagta oo ka tirsan kooxda Juventus  ayaa deeqdan taageerro ugu muujiyay shacabka Falastiin, gaar ahaan marinka Gaza oo ah xabsi dusha ka furan, maaddama uu dhinac kasta ka go'doonsan yahay, taaso aad u xumaysay xaaladda nololeed ee goobtaasi.

Deeqdan kama dhigna markii u horreysay ee Cristiano Ronaldo , uu taageerro shacabka Falastiin, waxaa la xasuusta xilli ay u darneyd shacabka reer Falastiin sannadkii 2012kii oo bambooyin lagu garaacayay Gaza inuu kaalmo gaarsiiyay carruurta reer Falastiin.

Sannadkii xigey ee 2013kii mar ay ciyaarayeen xulkiisa Portugal iyo Israel isreebreebkii koobka adduunka ee sannadkii 2014kii wuxuu diiddey inay funaanadda kala bedeshaan ciyaaryahan u dhashay Israel, isagoo sheegay in aanu xiranaynin funaanad uu ku dheggan yahay calanka Israel, sida ay markaa baahisay warbaahinta.

Axmed Daubasha, oo 5 sanno jir ah oo kaligii ka badbaaday qoyskiisa  ayuu Ronoldo ku qaabilay xarunta tababbarka ee Real Madrid sannadkii 2016kii.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]