4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2019
Australia: Nin horey u weerarray makhaayad ku taalla Melbourne oo walaalkii uu qirtay inuu weerar isna qorsheynayo

Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Walaalka nin horay u toorriyeeyay nin makhaayad ku lahaa Melbourne oo weerarka ku geeryooday ayaa hadda qirtay inuu qorsheynayo weerar argagixiso oo dad badan lagu laayo.

Cali Khaliif Shire Cali oo 22 jir Soomaali -Australian ah ayaa qirtay inuu raadinayay qoryo iyo rasaas si uu xilliga loo dabaal-degayo sannadka cusub uu u weerarro fagaaraha caanka ah ee Melbourne's Federation Spuare oo ah meel la iskugu soo baxo xilliyada loo dabaal-deggayo sannadka cusub.

Maxkamadda sare ee Victorian Supreme Court oo dacwadda ninkan Arbacadii dhegeysatey ayaa haatan sheegaysa inuu ninkanu qorsheynayey weerar uu dad badan ku dilo.

Cali ayaa ah wiil ka yar mid kale oo 30 jir ahaa , Xasan Khaliif Shire Cali kaasoo si xun u  toorriyeeyay milkiilihii makhaayad laga qaxweeyo ee Pellegrini's Espresso Bar oo lagu magacaabo Sisto Malaspina oo 74 jir ahaa bishii Novembar ee sannadkii hore.

Booliska ayaa isla goobta ku toogtey Xasan Khaliif, waxaana isagoo dhaawac daran ah loola cararay isbitaal halkaasoo uu ku dhintay,iyadoo weerarka loo arkay mid argagixiso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]