4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2019
Soomaalida Koonfur Africa oo dalbaneysa in ay cadaalad helaan

 

Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) – Dalka Koonfur Africa wararka ka imanaya ayaa sheegaya in Soomaali isku soo bax ka dhigtay dalbanayaan in ay hellaan cadaalad, gaar ahaan iyaga oo sita sawirka Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay dalkaasi Koonfur Africa oo qofkii dilay ay gacanta ku hayaan ciidamada Booliiska.

Dalka Koonfur Africa ayaa inta badan waxaa ka dhacay dilal joogta noqday oo lagula kaco dadka Soomaalida ah ee ganacsiyada halkaa ku leh, waxaana xusid mudan in dowladdu marnaba tallaabo ka qaadin dadka dilalka iyo dhaca u geystay dadka Soomaaliyeed.

 

Dibadbaxayaasha Soomaalida ayaa ka dalbanaya dowladda in ay cadaalada mariyaan qofkii ka danbeeyay dilka muwaadinka ay muuqaalkiisa soo bandhigeen dadka isku soo baxay, kaa oo sida ay hadalka u dhigeen hadda ku jira gacanta hay’addaha Amniga.

Soomaalida dalkaasi Koonfur Africa ku dhaqan ayaa ku eedeeya dowladda in aysan marnaba ciqaabin dadka weerarrada iyo dilalka u geystay ganacsatada Soomaaliyeed xitaa haddi ay hay’addaha Amnigu gacanta ku dhigaan kuwa dilalka iyo rabashadaha geysta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]