3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2019
Xeer-Ilaaliyaha guud ee Soomaaliya iyo INTERPOL oo ku dhaw in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha

Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa digniin u diray ganacsatada iyo cid walba oo ku lug leh saaridda iyo dhoofinta dhuxusha,sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha.

"Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranku wuxuu baaris ku hayay fal-danbiyeedkaa foosha xun, wuxuuna isagoo la kaashanaya INTERPOL ku dhawyahay in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha." ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo inta ku daray "Iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa jira xog lagu kalsoon yahay oo sheegaysa inay dib u billaabatay soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha xeebaha Soomaaliya."

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa uga digay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa ama dibaaddiisa kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah inay joojiyaan faldanbiyeedkaa waxayna wajahayaan ciqaabta ka dhalata fal-danbiyeedkaas sida ku xusanXeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
5/16/2019 2:17 PM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL)–Askari ayaa wararka hordhaca ahi sheegayaan in uu ku dhintay israsaasayn ka dhacday carun ay degan ka degan yihiin ciidanka loo yaqaan RRU oo qayb ka ah Booliska bariga magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

5/16/2019 10:51 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) – Dalka Koonfur Africa wararka ka imanaya ayaa sheegaya in Soomaali isku soo bax ka dhigtay dalbanayaan in ay hellaan cadaalad, gaar ahaan iyaga oo sita sawirka Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay dalkaasi Koonfur Africa oo qofkii dilay ay gacanta ku hayaan ciidamada Booliiska.

5/16/2019 8:14 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ruux miino ku dhejiyay gaari ka hor inta uusan qarxin,iyada oo gaariga uu ku qarxay nawaaxiga Shineemo Soomaaliya oo ku dhow hotelka Maka Al Mukarama ee caasimadda Muqdisho.

5/16/2019 7:53 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Shirkadda diyaaradaha ee dalka Uganda ayaa markii u horreysay shaacisay inay dhowaan billaabayso duullimaad toos ah oo ay ku tagayso magaalada caasimadda ee Muqdisho.

5/16/2019 2:22 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay waxyaabaha dhaliyay inuu fashilmo shirkii Garoowe iyo arrimaha ay isku diiddanyihiin dowlad-gobolleedyada.

5/16/2019 1:56 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Haween Muslimiin ah ayaa maxkamad ku taalla gobolka Minnesota u gudbiyay dacwad ka dhan ah shirkadda Amazon, iyaga oo ka cabanaya in loo diiday in la siiyo goob iyo waqti ay ku tukadaan, sida uu qoray wargayska middleeastmonitor oo soo xiganaya wakaalada wararka ee Anadolu.

5/16/2019 1:51 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Haweenay Soomaali ah ayaa shatigii Taksi wadista lagala noqday ka gadaal markii ay gashay illaa 30 khalad,iyadoo xataa mar nin indhoole ah oo rakaab u ahaa waydiisatey inuu jidadka iyo jihooyinka u kala sheego.

5/16/2019 1:25 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL.