3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2019
'Soomaali la kala dooransiiyay Soonka iyo shaqada'

Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Haween Muslimiin ah ayaa maxkamad ku taalla gobolka Minnesota u gudbiyay dacwad ka dhan ah shirkadda Amazon, iyaga oo ka cabanaya in loo diiday in la siiyo goob iyo waqti ay ku tukadaan, sida uu qoray wargayska middleeastmonitor oo soo xiganaya wakaalada wararka ee Anadolu.

Saddexdani qof oo asalkoodu yahay Soomaali ayaa sheegay in marka la eego sida loola dhaqmo dadka caddaanka ah iyaga si ka duwan loola dhaqmay.

Cabashadan ayaa toddobaadkii aanu soo dhaafnay loo gudbiyay guddiga sinnaanta fursadaha shaqaalaysiinta, waxaana ay shaqaalahan ku doodeen inay shirkada Amazon ku tumatay hal-kudhigooda VII oo ah mid looga hortagayo kala sooca ku salaysan diimaha.

"Dacwadahan ayaa sidoo kale sheegaya in shirkadda Amazon ay samaysay midab takoor, shaqaalaha Soomalida iyo kuwa ka soo jeeda bariga Afrika ee u qalma dalacsiinta aan la siin iyada oo sad-bursi loo samaynayo shaqaalaha caddaanka islamarkana jawi adag ay ku shaqeeyaan," waxa sidaasi lagu sheegay bayaan uu soo saaray urur kiiskan u matalaya haweenka cabanaya.

Shaqaalahan ayaa markii ay cabashada u gudbiyeen shirkadda, waxaa la siiyay "qoraalo iyo digniino" ku aadan in shaqada laga ceyrin doono.
"Dadka aan matalyno waa la dhibaateeyay waana la bartilmaameedsaday sabab la'aan, iyada oo la eegayo diintooda, midibkooda iyo meesha ay ka so jeedaan," ayey tidhi Nimra Azmi, oo ah qareen ka tirsan urur u dooda muslimiinta.

Ururkani u dooda Muslimiinta ayaa intaa ku daray in inkastoo ay maamulayaasha Amazon yihiin caddan hadana tira badan oo ka mid ah shaqaalaha ay ka soo jeedaan Bariga Afrika.

Cabashadan ayaa sidoo kale muujinaysa in markii shaqaalaha ay cabasho u gudbiyeen shirkadda Amazon ay mamulka shirkadda billaabeen "olola aargoosi ah oo lagu dhibaataynayo shaqaalaha".

Labo ka mid ah saddexda qof ee shaqaalaha ee cabashada gudbiyay ayaa wali ka shaqeeya halka midka kalana "shaqada laga tiray" bishii Disembar.

Xigasho: BBC











Click here
5/16/2019 2:17 PM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL)–Askari ayaa wararka hordhaca ahi sheegayaan in uu ku dhintay israsaasayn ka dhacday carun ay degan ka degan yihiin ciidanka loo yaqaan RRU oo qayb ka ah Booliska bariga magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

5/16/2019 10:51 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) – Dalka Koonfur Africa wararka ka imanaya ayaa sheegaya in Soomaali isku soo bax ka dhigtay dalbanayaan in ay hellaan cadaalad, gaar ahaan iyaga oo sita sawirka Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay dalkaasi Koonfur Africa oo qofkii dilay ay gacanta ku hayaan ciidamada Booliiska.

5/16/2019 8:30 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa digniin u diray ganacsatada iyo cid walba oo ku lug leh saaridda iyo dhoofinta dhuxusha,sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha.

5/16/2019 8:14 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ruux miino ku dhejiyay gaari ka hor inta uusan qarxin,iyada oo gaariga uu ku qarxay nawaaxiga Shineemo Soomaaliya oo ku dhow hotelka Maka Al Mukarama ee caasimadda Muqdisho.

5/16/2019 7:53 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Shirkadda diyaaradaha ee dalka Uganda ayaa markii u horreysay shaacisay inay dhowaan billaabayso duullimaad toos ah oo ay ku tagayso magaalada caasimadda ee Muqdisho.

5/16/2019 2:22 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay waxyaabaha dhaliyay inuu fashilmo shirkii Garoowe iyo arrimaha ay isku diiddanyihiin dowlad-gobolleedyada.

5/16/2019 1:51 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Haweenay Soomaali ah ayaa shatigii Taksi wadista lagala noqday ka gadaal markii ay gashay illaa 30 khalad,iyadoo xataa mar nin indhoole ah oo rakaab u ahaa waydiisatey inuu jidadka iyo jihooyinka u kala sheego.

5/16/2019 1:25 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL.