11/14/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2019
Australia oo ka mamnuucday wadista Taksiga haweeney Soomaali ah oo inuu hago waydiisatay nin indho la'



Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) -  Haweenay Soomaali ah ayaa shatigii Taksi wadista lagala noqday ka gadaal markii ay gashay illaa 30 khalad,iyadoo xataa mar nin indhoole ah oo rakaab u ahaa waydiisatey inuu jidadka iyo jihooyinka u kala sheego.

Haweenaydan oo 69 jir ah ayaa ka shaqeynaysey magaalada Melbourne , waxaa lagu magacaaba Xaawo Cad ayaa iminka laga mamnuucay inay gebi ahaanba gaari kexeeyso ,kaddib markii lagu qabtay dembiyo ay ku jiraan xawaara dhaaf, baasidda samaafare shidaya nalka cas iyo iyadoo gaariga ku wadda carruur aan suunka u xirnayn.

Xaawo, ayaa horay siddeed jeer arrimahan oo qura loogu maxkamadeeyay,iyadoo lagu helay 27 dembi oo dhanka gaari wadista ah, islama markaana ay saddex jeer tillaabo ka qaadeen guddiga anshax marinta jidadka.

Waxyaabaha kale ee lagu haysto waxaa ka mid ah dhowr mar oo ay rakaabku kasoo cowdeen, midkood wuxuu xitaa ahaa nin indhoole ah oo ay waydiisatey inuu jihooyinka u tilmaamo iyadoo diiddey inay adeegsato GPS ama ay kaash aqbasho.

Illaa 19 jeer ayaa la sheegay in la qabtay iyadoo xawaareynaysa, shan jeerna waxay ka gudubtey nal cas, waxaa inta dheer mararka qaar inay diidday inay seed bixiso ama daarato nalalka hore.

Haweenaydan waxaa ay ahayd qofka kaliya ee dumarka ah oo ka soo jeedda Soomaaliya oo Taksi ku ka xeysa muddo dheer magaalada Melbourne  ee dalka Australia.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]










Click here
5/16/2019 2:17 PM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL)–Askari ayaa wararka hordhaca ahi sheegayaan in uu ku dhintay israsaasayn ka dhacday carun ay degan ka degan yihiin ciidanka loo yaqaan RRU oo qayb ka ah Booliska bariga magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

5/16/2019 10:51 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) – Dalka Koonfur Africa wararka ka imanaya ayaa sheegaya in Soomaali isku soo bax ka dhigtay dalbanayaan in ay hellaan cadaalad, gaar ahaan iyaga oo sita sawirka Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay dalkaasi Koonfur Africa oo qofkii dilay ay gacanta ku hayaan ciidamada Booliiska.

5/16/2019 8:30 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa digniin u diray ganacsatada iyo cid walba oo ku lug leh saaridda iyo dhoofinta dhuxusha,sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha.

5/16/2019 8:14 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ruux miino ku dhejiyay gaari ka hor inta uusan qarxin,iyada oo gaariga uu ku qarxay nawaaxiga Shineemo Soomaaliya oo ku dhow hotelka Maka Al Mukarama ee caasimadda Muqdisho.

5/16/2019 7:53 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Shirkadda diyaaradaha ee dalka Uganda ayaa markii u horreysay shaacisay inay dhowaan billaabayso duullimaad toos ah oo ay ku tagayso magaalada caasimadda ee Muqdisho.

5/16/2019 2:22 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay waxyaabaha dhaliyay inuu fashilmo shirkii Garoowe iyo arrimaha ay isku diiddanyihiin dowlad-gobolleedyada.

5/16/2019 1:56 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Haween Muslimiin ah ayaa maxkamad ku taalla gobolka Minnesota u gudbiyay dacwad ka dhan ah shirkadda Amazon, iyaga oo ka cabanaya in loo diiday in la siiyo goob iyo waqti ay ku tukadaan, sida uu qoray wargayska middleeastmonitor oo soo xiganaya wakaalada wararka ee Anadolu.

5/16/2019 1:25 AM EST
Khamiis, May, 16, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL.