3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2019
Wasiirka Dib-u-heshiisiinta Hirshabeelle oo la kulmay maamulka degmada Feer-Feer ee Ismaamulka Soomaalida


Arbaco, May, 15, (HOL) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dib-u-heshiisiinta dowlad gobolleedka Hirshabeelle Eng Cabdikariin Cali Nuur ayaa markii ugu horeysay socdaal nabadeed ku tagay degmada Feer-Feer ee Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.

Wasiirka iyo xubnihii la socday waxaa soo dhaweeyay guddoomiyaha degmada Feer-Feer Cabdirashiid Ibraahim Dhaqane oo ay kulamo gaar ah wada qaateen wasiirka iyo wadigiisa.

Guddoomiyaha degmada Feer-Feer oo kulamada kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin dhankooda in markii ugu horeysay ay halkan [Feerfeer] ku kulmaan wafdi ka socda maamul gobolleedka Hirshabeelle.

‘’Ujeedada socdaalka wafdigan iyo wax-yaabihii aynu ka wada hadalnay waxaa ay ahaayeen nabad-galyadii aynu awalba ka wada xiriiri jirnay dalkan aynu dariska nahay ee Soomaaliya, gaar ahaan dowlad gobolleedka Hirshabeelle, Annaga iyo Wasiirka waxeynu ka wada hadalnay arrimo dhowr ah oo nabad=galyada quseeya ayuu yiri’’ guddoomiyaha degmada Feer-Feer.

Wuxuu gaar ahaan guddoomiyuhu sheegay in Wasiirka ay isla soo qaadeen sidii looga shaqeyn lahaa nabad-galyada dadka labada dhinac ee had iyo jeer isku guur-guura oo inta badan laga yaabo in ay ka abuuranto nabad-galyo darada.

Wasiirka Wasaarradda Dib-u-heshiisiinta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in dhamaaba waxyaabihii ay ka wada hadleen maamulka degmada Feer –feer isku afgarteen.

‘’Waxaan runtii ku faraxsannahay sida uu noo soo dhaweeyay guddoomiyaha degmada, waanan isku afgaranay dhamaanba waxyaabihii aan ka wada hadalnay oo ay ugu horeyso deegaameynta dadka iyo sidii nabad-galyada bulshada labada dhinac looga wada shaqeyn lahaa’’ ayuu yiri Wasiirka Dib-u-heshiisiinta maamulka Hirshabeelle.

Safarkan Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa imanaya xili sanadihii ugu danbeeyayba colaado ka taagnaayeen deegaannada xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waana markii ugu horeysay oo maamulka labada dhinac ay ka wada hadlaan arintan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
  













Click here
5/15/2019 1:02 PM EST
Arbaco, May, 15, (HOL) – Maxkamada magaalada Laascaanood ayaa la keenay maanta weriye Cabdi Keyse Tungub iyadoo ay wadaan ciidan ciidan Boolis ah.

5/15/2019 12:59 PM EST
Arbaco, May, 15, (HOL) – Madaxtooyada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xadhiga xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo loo xidhay markii uu wax ka sheegay 18 May.

5/15/2019 12:55 PM EST
Arbaco, May, 15,(HOL)–Ciidanka dab-damiska magaaladda Hargeysa ayaa maanta badbaadiyey ilmo yar oo Suuli (Musqul) lagu riday, kaasi oo ay ka soo saareen isagoo nool.

5/15/2019 12:45 PM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

5/15/2019 12:38 PM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta shaaca ka qaadday in la xiray mid kamid ah shaqaalaha wasaarada Waxbarashada dowladda federalka kaasoo lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay bixitaankii imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka oo dhowaan dib loo dhigay.

5/15/2019 12:24 PM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa agaasime cusub u magacaabay xarunta madaxtooyadda ee looga taliyo dalka, sida ku cad war-saxaafadeed uu xafiiska madaxweynaha baahiyay.

5/15/2019 8:48 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre, ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

5/15/2019 7:43 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland ayaa dikreeto ka baxay lagu amray dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka howlgalla deegaannada Puntland inay soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda ajnebiga ah.

5/15/2019 7:39 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Wasiirka gaashandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe) ayaa xarunta ugu weyne AMISOM ee magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Ambassador Francisco Madeira ,iyadoo ay kulanka ku waheliyeen xubno ka tirsan wasaaradda gaashandhigga.

5/15/2019 7:34 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Hay'adda Warfaa Foundation ayaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug ka daahfurtay tartan kubadda cagta ah oo ay hay'adda qabato sannadkii bisha Ramadaan,iyadoo mashruucan uu maalgalinayo Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa ahna wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

5/15/2019 5:47 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinta Puntland ugu hambalyeeyey maalinta 15-ka May oo ku beegan 76 guurradii kasoo wareegtey aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

5/15/2019 4:03 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa magaalada Nairobi kula kulmay deeq-bixiyeyaasha oo ay halkaa ku gaareen mashruuc horumarinta shaqaalaha Soomaaliya.

5/15/2019 3:04 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Ciidanka amniga ayaa howlgallo ka sameeyay xaafaddo ka tirsan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, sida laga soo xigtay saraakiisha.

5/15/2019 2:55 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Madasha lixaad ee Stockholm ee Nabadda iyo Horrumarka oo laga furay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyada oo ay ka qeybgalayaan tiro ballaaran oo ah siyaasad sameeyeyaal, cilmi baarayaal iyo dad xirfad sare leh.

5/15/2019 2:54 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) – Golaha milatariga Sudan iyo hogaamiyaasha ururada rayidka ah ee horkacaya dibadbaxayada dalkaasi ka socda, ayaa xalay ku heshiiyay dowlad ku meel gaar ah oo muddo saddex sano gudahood xakunka ku wareejin doonta xukuumad rayid ah oo buuxda.

5/15/2019 2:51 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya , Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa caawa afur u sameeyay golaha abwaannadda Soomaaliyeed.

5/15/2019 2:46 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL)–Dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gallinkii danbe ee shalay ka qafaashay gobolka Gedo Labo shaqaale safar ah oo ka howlgalayay gobolka.

5/15/2019 2:43 AM EST
Arbaco, May, 15 , 2019 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay xukuumadda inay dadaal ku bixinayso horumarinta deegaanka iyo bulshada.

5/15/2019 2:38 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Hirshabeelle Saciid Cabdullaahi Deni iyo Maxamed Cabdi Waare oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ka wada hadlay sii deynta maxaabiis ka soo jeeda deegaannada Hirshabeelle oo ku xir xiray Puntland.