11/19/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo u magaacabay Dr. Nuur Fuursade Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda



Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) -  Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa agaasime cusub u magacaabay xarunta madaxtooyadda ee looga taliyo dalka, sida ku cad war-saxaafadeed uu xafiiska madaxweynaha baahiyay.

Agaasimaha guud ee madaxtooyadda ayaa waxaa noqonaya, Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo horey uga mid ahaa la-taliyeyaasha madaxweynaha.

"Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo." ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay baahisay madaxtooyadda.

Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Marwo Drs. Aamin Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u adeegidda dalka iyo dadka.

Dr. Nuur Diiriye , ayaa noqonaya agaasimihii saddexaad ee muddo labo sanno ah ay yeelanayso madaxtooyadda Soomaaliya.

TAARIIKH NOLOLEEDKA DR. NUUR DIIYIRE XIRSI (FUURSADE):

Dr. Nuur Diiriye Hersi (Fuursade), wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, sanadkii 1952dii. Wuxuu tacliinta Hoose iyo xifdinta Qur'aanka ku bartay isla magaaladii uu ku dhashay. Waxbarshada Dhexe iyo Sare waxa uu ku qaatay Dugsiyada Bartamaha iyo Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu ahaa kamid ahaa dufcaddii ugu horreysay ee loo qaatay kulliyada Injineeriyada ee Jaamacadda Ummadda sanadkii 1973-dii isaga oo kaga qalin jabiyay Shahaadada Darajada Koowaad ee Jaamacadda 1978-dii.

Waxaa isla 1978-dii loo qaatay inuu Bare-kaaliye ka noqdo Kulliyadda Injineeriyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Shahaadada labaad (Masters) wuxuu ka diyaariyay Jaamacadda Missouri ee dalka Mareykanka sanadku markii uu ahaa 1983-dii, isaga oo ku diyaariyay Mechanical Engirineering. 1987-dii wuxuu ka qaatay Shahaadada Phd ee culuumta Injineeriyada isla Jaamacadda Misouri. Isla sanadkaas wuxuu noqday Madaxa Waaxda ICT-ga iyo Bare ka tirsan Kulliyadda Injineeriyada ee Jaamacadda Ummadda.

Wuxuu aasaasay 1987-dii Shirkad la yiraahdo Fuursade Engineering and Computer Services oo ahayd tii ugu horreysay ee si gaar ah looga barto culuumta Kumbuyuutarka, waxaana ka aflaxay arday badan oo xilliyadaas ku hana qaaday barasha cilmiga Kumyuutarka.

Wuxuu dabayaaqadii 1990-kii u wareegay dalka Canada halkaas oo uu ka noqday La-taliye dhinaca culuumta Kumbiyuutarka ah, wuxuuna ka dhaqangeliyay magaalada Toronto Dugsi lagu barto softwares-ka. Waxaa intaas dheer inuu Prof Fuursade isla Canada kasii waday xirfaddiisa macallinimada iyo la-talinta culuumta ICT-ga.

Sanadkii 2004 wuxuu Bare ka noqday Jaamacadda UAE ee magaalada Al Ceyn dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

2007 wuxuu ku laabtay dalka Canada isaga oo ku biiray macallimiinta Koleejka Seneca ee magaalada Toronto, isaga oo dib u bilaabay hawlaha tala-bixinta, gaar ahaan cilmiga xog-dhigista (Database).

2014 wuxuu dib ugu soo laabtay dalka isaga oo shaqooyin tala-bixin ah siiyay shirkado iyo Jaamacado ka hawl-gala Soomaaliya.

Sanadkii 2017 ilaa iyo hadda wuxuu qeyb ka ahaa Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga oo loo magacaabay La-taliyaha dhanka Istiraatiijiyadda.

Waxyaabihii ugu waaweynaa ee uu istaajiyay waxaa kamid ahaa Mashruuca Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ay gacan ka geysanayaan Dowladda Pakistan iyo Bankiga Adduunka kaas oo ay haatan dhammeystirkiisa ka shaqeynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Maajo, 2019 u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
5/15/2019 1:02 PM EST
Arbaco, May, 15, (HOL) – Maxkamada magaalada Laascaanood ayaa la keenay maanta weriye Cabdi Keyse Tungub iyadoo ay wadaan ciidan ciidan Boolis ah.

5/15/2019 12:59 PM EST
Arbaco, May, 15, (HOL) – Madaxtooyada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xadhiga xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo loo xidhay markii uu wax ka sheegay 18 May.

5/15/2019 12:55 PM EST
Arbaco, May, 15,(HOL)–Ciidanka dab-damiska magaaladda Hargeysa ayaa maanta badbaadiyey ilmo yar oo Suuli (Musqul) lagu riday, kaasi oo ay ka soo saareen isagoo nool.

5/15/2019 12:48 PM EST
Arbaco, May,15,(HOL)–Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dib-u-heshiisiinta dowlad gobolleedka Hirshabeelle Eng Cabdikariin Cali Nuur ayaa markii ugu horeysay socdaal nabadeed ku tagay degmada Feer-Feer ee Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.

5/15/2019 12:45 PM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

5/15/2019 12:38 PM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta shaaca ka qaadday in la xiray mid kamid ah shaqaalaha wasaarada Waxbarashada dowladda federalka kaasoo lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay bixitaankii imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka oo dhowaan dib loo dhigay.

5/15/2019 8:48 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre, ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

5/15/2019 7:43 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland ayaa dikreeto ka baxay lagu amray dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka howlgalla deegaannada Puntland inay soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda ajnebiga ah.

5/15/2019 7:39 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Wasiirka gaashandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe) ayaa xarunta ugu weyne AMISOM ee magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Ambassador Francisco Madeira ,iyadoo ay kulanka ku waheliyeen xubno ka tirsan wasaaradda gaashandhigga.

5/15/2019 7:34 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Hay'adda Warfaa Foundation ayaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug ka daahfurtay tartan kubadda cagta ah oo ay hay'adda qabato sannadkii bisha Ramadaan,iyadoo mashruucan uu maalgalinayo Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa ahna wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

5/15/2019 5:47 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinta Puntland ugu hambalyeeyey maalinta 15-ka May oo ku beegan 76 guurradii kasoo wareegtey aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

5/15/2019 4:03 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa magaalada Nairobi kula kulmay deeq-bixiyeyaasha oo ay halkaa ku gaareen mashruuc horumarinta shaqaalaha Soomaaliya.

5/15/2019 3:04 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Ciidanka amniga ayaa howlgallo ka sameeyay xaafaddo ka tirsan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, sida laga soo xigtay saraakiisha.

5/15/2019 2:55 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Madasha lixaad ee Stockholm ee Nabadda iyo Horrumarka oo laga furay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyada oo ay ka qeybgalayaan tiro ballaaran oo ah siyaasad sameeyeyaal, cilmi baarayaal iyo dad xirfad sare leh.

5/15/2019 2:54 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) – Golaha milatariga Sudan iyo hogaamiyaasha ururada rayidka ah ee horkacaya dibadbaxayada dalkaasi ka socda, ayaa xalay ku heshiiyay dowlad ku meel gaar ah oo muddo saddex sano gudahood xakunka ku wareejin doonta xukuumad rayid ah oo buuxda.

5/15/2019 2:51 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya , Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa caawa afur u sameeyay golaha abwaannadda Soomaaliyeed.

5/15/2019 2:46 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL)–Dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gallinkii danbe ee shalay ka qafaashay gobolka Gedo Labo shaqaale safar ah oo ka howlgalayay gobolka.

5/15/2019 2:43 AM EST
Arbaco, May, 15 , 2019 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay xukuumadda inay dadaal ku bixinayso horumarinta deegaanka iyo bulshada.

5/15/2019 2:38 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Hirshabeelle Saciid Cabdullaahi Deni iyo Maxamed Cabdi Waare oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ka wada hadlay sii deynta maxaabiis ka soo jeeda deegaannada Hirshabeelle oo ku xir xiray Puntland.