4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2019
Puntland oo Awaamiir cusub duldhigtay shaqaalaha Ajaaniibta

Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) -  Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland ayaa dikreeto ka baxay lagu amray dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka howlgalla deegaannada Puntland inay soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda ajnebiga ah.

Dikreeto oo ka soo baxday xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) oo laga tix-raacay xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa ujeedka lagu sheegay inay tahay si loo ilaaliyo habsami-usocodka shaqada waddanka iyo arrimaha ka dhalan kara loo shaqeeyaha iyo shaqaalahaba.

Digreetada ayaa sidoo kale lagu amray hay’adaha in hay’addahu ayan keensan karin shaqaale Ajnebi ah, iyaga oo aanan si sharci ah u soo marin Wasaaradda Shaqada iyo  Shaqaalaha Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) ayaa sheegay in Wasaaradooda ay il gaar ah ku heyso shaqa la’aanta baahsan ee heysata dhallinyarada ka baxday Jaamacadaha.

Hoos ka akhri Digreetada;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]