9/18/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2019
Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya Sadiiq Warfaa oo daahfuray mashruuc horumarinaya shaqaalaha Soomaaliya



Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa magaalada Nairobi kula kulmay deeq-bixiyeyaasha oo ay halkaa ku daahfureen mashruuc  horumarinta shaqaalaha Soomaaliya.

Kulanka waxaa wasiirka ku weheliyay wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka ee Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed,Jubbaland iyo mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya.

Mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya oo socon doona muddo saddex sanno ah ayaa ka taageerri doona dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada sameynta shuruucda muhiimka u ah shaqada iyo kor u qaadidda howl-wadeennada wasaaradaha.

Wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo isboortiska Puntland, Jaamac Faarax Muuse ayaa sheegay mashruucan inuu sidoo kale diirrada saarayo shaqo abuur iyo  mashaariic farsamadda gacanta ah oo bulshada Soomaaliyeed ay ku baranayaan xirfadaha gacanta.

Daahir Faarax Fiidow , oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada ee dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa dhankiisa sheegay mashruucan inuu waxbadan u faa'iideyn doono shacabka Galmudug iyo guud ahaan waddanka.

Gabagabadii, Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ahmiyad gaar ah siinayso shaqo abuurka bulshada Soomaaliyeed, isagoo marka xaqiijiyay mashruucan inuu sidoo kale horumarinayo shaqaalaha Soomaaliya.

"Ula jeedka ayaa waxa uu ahaa mashruuc cusub oo kartidda iyo aqoonta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka kor loogu qaadayo si ay u fuliyaan oo ay shaqadooda u garanayaan , marka ula jeedku wuxuu yahay qofka shaqada abuuraya in kartidiisa iyo khibradiisa kor loo qaado si shaqadiisa uu u fusho." ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri " Runtii waxaa sharaf weyn ii ah inan ku guuleystay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka wasaaradahooda shaqada inay casuumadii iga aqbaleen oo ay halkan isugu yimaadeen iyaga iyo deeq-bixiyeyaasha oo aan mashruucan rajeynayo marka ay dib u noqdaan inay hirgalin doonaan...  mashruucan oo ah in aqoontoodda iyo kartidoodda kor loo qaado, dalkana loo jiheeyo shaqo abuur , dhallinyarada Soomaaliyeedna la jiheeyo."

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqada adduunka ee ILO ayaa fulinaysa mashruucan oo ay taageerrayaan deeq-bixiyeyaal ay ku jiraan Midowga Yurub.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]










Click here
5/15/2019 1:02 PM EST
Arbaco, May, 15, (HOL) – Maxkamada magaalada Laascaanood ayaa la keenay maanta weriye Cabdi Keyse Tungub iyadoo ay wadaan ciidan ciidan Boolis ah.

5/15/2019 12:59 PM EST
Arbaco, May, 15, (HOL) – Madaxtooyada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xadhiga xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo loo xidhay markii uu wax ka sheegay 18 May.

5/15/2019 12:55 PM EST
Arbaco, May, 15,(HOL)–Ciidanka dab-damiska magaaladda Hargeysa ayaa maanta badbaadiyey ilmo yar oo Suuli (Musqul) lagu riday, kaasi oo ay ka soo saareen isagoo nool.

5/15/2019 12:48 PM EST
Arbaco, May,15,(HOL)–Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dib-u-heshiisiinta dowlad gobolleedka Hirshabeelle Eng Cabdikariin Cali Nuur ayaa markii ugu horeysay socdaal nabadeed ku tagay degmada Feer-Feer ee Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.

5/15/2019 12:45 PM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

5/15/2019 12:38 PM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Booliska Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta shaaca ka qaadday in la xiray mid kamid ah shaqaalaha wasaarada Waxbarashada dowladda federalka kaasoo lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay bixitaankii imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka oo dhowaan dib loo dhigay.

5/15/2019 12:24 PM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa agaasime cusub u magacaabay xarunta madaxtooyadda ee looga taliyo dalka, sida ku cad war-saxaafadeed uu xafiiska madaxweynaha baahiyay.

5/15/2019 8:48 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre, ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

5/15/2019 7:43 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland ayaa dikreeto ka baxay lagu amray dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka howlgalla deegaannada Puntland inay soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda ajnebiga ah.

5/15/2019 7:39 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Wasiirka gaashandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe) ayaa xarunta ugu weyne AMISOM ee magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Ambassador Francisco Madeira ,iyadoo ay kulanka ku waheliyeen xubno ka tirsan wasaaradda gaashandhigga.

5/15/2019 7:34 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Hay'adda Warfaa Foundation ayaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug ka daahfurtay tartan kubadda cagta ah oo ay hay'adda qabato sannadkii bisha Ramadaan,iyadoo mashruucan uu maalgalinayo Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa ahna wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

5/15/2019 5:47 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinta Puntland ugu hambalyeeyey maalinta 15-ka May oo ku beegan 76 guurradii kasoo wareegtey aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

5/15/2019 3:04 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Ciidanka amniga ayaa howlgallo ka sameeyay xaafaddo ka tirsan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, sida laga soo xigtay saraakiisha.

5/15/2019 2:55 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Madasha lixaad ee Stockholm ee Nabadda iyo Horrumarka oo laga furay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyada oo ay ka qeybgalayaan tiro ballaaran oo ah siyaasad sameeyeyaal, cilmi baarayaal iyo dad xirfad sare leh.

5/15/2019 2:54 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) – Golaha milatariga Sudan iyo hogaamiyaasha ururada rayidka ah ee horkacaya dibadbaxayada dalkaasi ka socda, ayaa xalay ku heshiiyay dowlad ku meel gaar ah oo muddo saddex sano gudahood xakunka ku wareejin doonta xukuumad rayid ah oo buuxda.

5/15/2019 2:51 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya , Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa caawa afur u sameeyay golaha abwaannadda Soomaaliyeed.

5/15/2019 2:46 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL)–Dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gallinkii danbe ee shalay ka qafaashay gobolka Gedo Labo shaqaale safar ah oo ka howlgalayay gobolka.

5/15/2019 2:43 AM EST
Arbaco, May, 15 , 2019 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay xukuumadda inay dadaal ku bixinayso horumarinta deegaanka iyo bulshada.

5/15/2019 2:38 AM EST
Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Hirshabeelle Saciid Cabdullaahi Deni iyo Maxamed Cabdi Waare oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ka wada hadlay sii deynta maxaabiis ka soo jeeda deegaannada Hirshabeelle oo ku xir xiray Puntland.