4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2019
Shaqaale samafal oo laga qafaashay gobolka Gedo

 

Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) – Dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gallinkii danbe ee shalay ka qafaashay gobolka Gedo Labo shaqaale safar ah oo ka howlgalayay gobolka.

Labada qof oo ka kala shaqeynayay hay'adaha Trocaire iyo World vision, ayaa laga afduubtay degmada Geed-weyne oo qiyaastii 30 km dhanka qorax kasoo bax kaga began degmada Dooloow.

Labada qof ee la afduubay ayaa ahaa shaqaale Soomaali ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Suubow Cabdulle iyo C/laahi Rashiid (Eng. GBS).

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay labada qof ee la afduubtay loola dhaqaaqay dhanka dhulka miyiga ah ee ay badi joogaan Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Mas’uulyiin ka tirsan laamaha amaanka ee Gobbola Gedo oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso ayaa VOA-da u sheegay in labadaan qof la afduubtay xili ay ku guda jireen shaqo ay u tageen deegaanka Geedweyne ee Gobboka Gedo.

Wararka qaarna waxa ay sheegayaan in ka hor inta aan la afduubanin labadan qof ay ka yimaadeen dhanka degmada Luuq ee isla gobbolka Gedo.

Al-Shabaab lagu eedeeyaa inta badan in ay  afduub kan  lamid ah u gaysta shaqaalaha gargaarka ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya, iyadoo ay sidoo kale jiraan falal afduub ah oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka gaystaan gudaha dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]