4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2019
Puntland oo ogolaatay siideynta maxaabiis ka soo jeeda deegaannada Hirshabeelle

 

Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Hirshabeelle Saciid Cabdullaahi Deni iyo Maxamed Cabdi Waare oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ka wada hadlay sii deynta maxaabiis ka soo jeeda deegaannada Hirshabeelle oo ku xir xiray Puntland.

Afhayeenka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo warbaahinta uga warbixiyay kulanka labada madaxweyne ku dhaxmaray Garoowe ayaa sheegay in Puntland aqbashay sida uu hadalka u dhigay in la sii daayo maxaabiista ka soo jeeda deegaannada Hirshabeelle.

‘’Kulanka labada madaxweyne oo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen Wasiirradda Amniga labada dhinac, waxaa leysku afgartay in la sii daayo maxaabiista Puntland uga xir xiray Hirshabeelle iyo sidii leysaga kaashan lahaa xoojinta Ganacsiga iyo adkeynta Amniga labada dhinac’’ ayuu yiri afhayeenka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Cirro in madaxweyne Waare oo uu heshiis kaa la mid ah uu la saxiixday madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen.

Dhawaan ayeey ahey markii heshiis saddex geesood ah uu ku dhaxmaray magaalada Garoowe madaxweynayaasha Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle kaddib kulankii fashilmay ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]