Kenya oo Malaayiin dollar ku bixisay dacwada ka dhanka ah badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya
Talaado, May, 14,
2019 (HOL) - Xilli
kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya uu marayo meel xasaasi ah ayaa
waxaa soo baxaysa qiimayn lagu samaynayo dhaqaalaha ku baxaya dacwadaasi.
Qareennada labada dhinac u doodaya ayaa la
sheegay inay yihiin kuwa helaya faa'idada ugu badan ee dhaqaale.
Sida uu qoray wargayska Business Daily ee ka soo
baxa dalka Kenya dowladda Kenya ayaa lacago malaayiin doollar ah ku bixisay
kiiska muranka xuduudda dhanka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.
Wasaaradda maaliyadda ee dalka Kenya ayaa sida uu
wargayska ka soo xigtay waxaa qareennada kiiskan u doodaya ay ku bixisay lacag
dhan Ksh300 oo milyan oo shilinka Kenya ah taasi oo u dhiganta 3 milyan oo
doolar.
Sida ku cad qiyaasta miisaaniyadda sanadkan
dowladda Kenya ayaa kordhinaysa lacagaha dhanka sharciga oo imika ah 1.7 bilyan
oo shilinka Kenya ah, waxaana sanadkan la gaarsiinayaa 2 bilyan oo shilinka
Kenya ah oo u dhiganta 20 milyan oo doolar.
Maxkamadda caalamiga ah ee (ICJ) ee fadhigeedu
yahay Hague ayaa qaadaysa dacwad dhanka badda ah oo ay dowladda Soomaaliya u
gudbisay 2014, ka dib markii ay guldareysteen wadaxaajood labada dhinac u
dhaxeeyay.
"Waxaa la kordhiyay lacagaha dhanka sharciga
ee lagu difaacayo calaamadeynta xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaa
sidaasi lagu sheegay qiyaas miisaaniyadeed toddobaadkii aanu soo dhaafnay loo
gudbiyay baarlamaanka Kenya.
Xukuumadda Nairobi ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay
in go'aanka xudduudda lagu salaynayo tii la jaangooyay xilligii gumaystaha ee
dhanka bari.
Balse Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in xadka
lagu salaynayo dhanka Koonfur bari iyada oo la eegayo xudduuda dhanka dhulka.
Kiisaska muranada ee la geeyo maxkamada caalamiga
ah ee ICJ ayaa go'aan ka gaaristooda waxay qaadataa muddo sanado ah.
Muranka dhanka badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya
iyo Kenya ayaa saamayn ku yeeshay baaritaannada dhanka shidaalka iyo Gaaska ee
laga samaynayay goobaha badda ee lagu muransan yahay.
Bishii February, Kenya ayaa dib ugu yeeratay
safiirkii ka fadhiya Muqdisho ka dib markii sida la sheegay ay dowladda
Soomaaliya "xaraashtay qaar ka mid ah buqcadihii lagu muransanaa".
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in maalmo ka hor shirkii London ay dowlada
Soomaaliya u gudbisay walaaceeda ku aadan xaraashka.
Xigasho BBC