3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2019
Gudoomiye Cirro oo beeniyey inuu la kulmay safiirada Qadar iyo Maraykanka

 

Talaado, May, 14, 2019 (HOL) - Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga qoray oo sheegay inuu Kenya kula kulmay safiirada Qadar iyo Maraykanka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in aanay cidi noo yeedhi Karin cida ay la kulmayaan, dambina aanay ahayn inay la kulmaan safiirada caalamka haday Qadar tahay iyo haday Maraykank tahayba.

Gudoomiye Cirro waxa kale oo uu cambaareeyey xadhiga lagula kacay masuul ka tirsan xisbigooda iyo xadhiga xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha Wakiilada oo uu sharci jabin ku tilmaamay sifaha loo maray xadhigiisa.

“waxa jirta in saxaafada qaarkood inay qoreen inaan Kenya kula kulmay Danjiraha Qadar iyo danjiraha Maraykanka u jooga Nairobi, warkaasi ma jiro laakiin kama duwana safiiradii aan la kulmay, wax noo diidaya in aanu la kulanno safiiro gaar ahna ma jirto, taas macnaheedu waxa weeyi cidi nooma yeedhin karto cida aanu la kulmayno”ayuu yidhi gudoomiye Cirro.

Mar uu ka hadlay dad loo xidhxidhay rayigoodda waxa uu yidhi “ waxa wali socda ku xadgudubka iyo ku tumashada sharciga iyo in dadka la iska xidho waxa u dambeeyey gudoomiyihii garabka dhallinyarada ee xibsiga WADANI Maxamed Sidiiq oo isna Rayi lagu xidhay, waxa kale oo sifo dastuur jabin ah loo maray xadhigiisa xildhibaan Maxamed Dhakool oo ka tirsan golaha Wakiiladda oo habeen badh gurigiisa isagoo hurda laga soo xidhay ”

“Qof kasta oo muwadin ah sharcigu wuu xidhi karaa, laakin waa in diriiq sax ah loo maraa, mudane ka tirsan baarlamanka lama xidhi karo lama baadhi karo, taasina waa dastuurjabin inuu ilaa imika xidhnaado xildhibaanku waa khalad iyo sharciga loo la baalmaray”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Dhinaca kale, gudoomiyuhu wuxuu tacsi u direy dadkii ay dhibaataddu ka soo gaadhay waxyeeladii Roobkii xalay ka da’ay magaaladda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland

 













Click here
5/14/2019 2:37 PM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)-Xilli kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya uu marayo meel xasaasi ah ayaa waxaa soo baxaysa qiimayn lagu samaynayo dhaqaalaha ku baxaya dacwadaasi.

5/14/2019 11:56 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Xerogeel oo ka tirsan degmada Awbarre, halkaas oo uu kula kulmay shacabka qaybihiisa kala duwan.

5/14/2019 11:12 AM EST
Talaado, May 14, 2019 (HOL)- Ciidanka booliska Somaliland ayaa maanta xidhay wiil ku soo labistay dhar ka samaysan calanka Soomaaliya oo la yimid badhtamaha magaaladda Hargeysa.

5/14/2019 9:57 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku guuldareystay qancinta Ardeydii maanta ku dibadbaxday magaalada Muqdisho isaga oo dhinaca kale eedeyn dusha uga tuuray

5/14/2019 7:49 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Madaxeynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasaarradda Waxbarashada Soomaaliya.

5/14/2019 7:39 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ee degaalka kula jira dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay mas'uuliyada Qarax maaanta lagu weeraray xarunta degmada Warta-Nabadda ee magaalada Muqdisho

5/14/2019 4:32 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Dhawaqa qarax culus ayaa goor dhow laga maqlay degmada Warta-nabadda ee magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogayaal xaqiijiyeen.

5/14/2019 3:25 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo.

5/14/2019 3:19 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Shan qof way u geeriyoodeen, sagaal kalena waa dhawaawac ka dib markii Roobab waaweyn oo khasaare dhalliyey ka da’ay magaalada Hargeysa.

5/14/2019 3:02 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah waxaa subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay dibadbax ay dhigayeen ardeydii kaqeybgashay Imtixaankii dowladda ee la hakiyay, kuwaa oo ka cabanaya go’aanka ay Wasaarradda Waxbarashada.

5/14/2019 2:40 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Inta la xaqiijinayo Labo ardey ayaa ku dhaawacantay dibadbax looga soo horjeedo hadalkii xalay ka soo yeeray Wasiirka Wasaarradda waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo saakay ka dhacay magaalada Beledweyne.