4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2019
Madaxwayne Mustafe Cagjar oo gaaray degmada Awbarre ayaa kulan la qaatay Shacabka magaalada Xerogeel

 

Talaado, May, 14, 2019 (HOL) - Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Xerogeel oo ka tirsan degmada Awbarre, halkaas oo uu kula kulmay shacabka qaybihiisa kala duwan.

Madaxwaynaha ayaa shacabka Xerogeel kala hadlay arrintii dilka ahayd ee dhawaan ka dhacday tuulada Xajiin wuxuuna uga tacsiyadeeyay dilkaas shacabkii tuulada Xajiin ee dhibku soo gaadhay.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeeshay odayaal dhaqameedka degaankaas wuxuuna kala hadlay arrintaas shaqaaqada ahayd ee dadka lagu laayay. wuxuuna sidoo kale ku booriyay inay marwalba ilaashadaan Nabadgalyada, kana fogaadaan wixii Nabadgalyo darri keenaya.

 

Dhawaan ayaa tuulada Xijiin oo ka tirsan degmada Awbarre waxaa ka dhacday shaqaaqo ay ku dhinteen dad shacab ah, taas oo ay ka dhiidhiyeen shacabka degmada Awbarre.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]