Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka
Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed
weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in
Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Xeer
Illaalinta Qaranka iyo Hay'adaha Baarista Dambiyada ee Booliiska in si deg-deg
ah tallaabo sharciga lagu horgeynayo looga qaado cid walba oo ku xadgudubtay
mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo diyaar garoobay in ay raacaan
nimdaamkii loo dajiyey imtixaanka heer qaran ee Dawladdu qaadeysay.
“Wasaaradda Waxbarashada waa inay hubiyaan nidaamka
imtixaanka ka hor inta aysan ardeydu fariisan Maamulka G/Banaadirna waxuu
diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato wixii taageero farsamo ah ee looga baahdo.
Mar haddii xatooyada aysan ka dhicin goobaha G/Banaadir waa in imtixaanada
gobollada la kala duwaa, isla markaasna shacabka loo sheegaa goobta xatooyadu
ka dhacday”.
Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa Ardeyda iyo
waalidiinta ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan mar haddii imtixaankii suuqa
galay, isagoo ku tilmaamay go'aanka Wasaaradda ee dib loogu celiyey imtixaanka
mid sax ah.
Eng. Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka
Banaadir uu xoogga saari doono sidii looga hortagi lahaa fal dambiyeedkan
foosha xun oo Sumcada Soomaaliya meel weyn uga dhacay, cid walba oo ku lug leh
arrintanna ay sharciga mari doonto.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]