4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2019
Roob khasaare badan gaystay oo xalay ka da’ay magaaladda Hargeysa


Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Shan qof way u geeriyoodeen, sagaal kalena waa dhawaawac ka dib markii Roobab waaweyn oo khasaare dhalliyey ka da’ay magaalada Hargeysa.

Roob mahiigaan ah oo socday in ku dhow saacad ayaa xalay ka da’ayey magaaladda Hargeysa, waxaanu dhaliyey khasaaro badan oo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed ba leh, saddex qof oo gaadhi la socday wuu qaatay, laba qof oo kalena koronto ayaa ku dhegtay, halka sagaal kale ciidamada amnigu ka badbaadiyeen daadadka.

Sidoo kale, guryo badan ayuu ka qaaday jingadihii, halka guryo bandanna uu daadad xoog badani ugu soo galeen guryahoodii.

Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo xalay kormeeray khasaaraha roobku keenay ayaa ka tacsidaynayo qoysaskii ay ka baxeen shanta qof ee geeriyooday, sidoo kale, waxa uu tilmaamay in talaabooyin laga qaadi doono shirkadaha laydhka ee sida fudud laydhkoodda dadka ku dilayo.

Ciidamadda booliska iyo kuwo dab-damiska ayaa kaalin weyn ka qaatay intii roobku ka da’yey badbaadinta dadka uu halista galiyey daadadkii soo rogmaday, gaar ahaan qoysaskii deganaa goobaha biyo marineedda ah oo qaar badan uu guryahoodii qaatay.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.