4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2019
Muqdisho : Ardey dhigtay dibadbax looga soo horjeedo go’aankii wasaarradda Waxbarashada

 


Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah waxaa subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay dibadbax ay dhigayeen ardeydii kaqeybgashay Imtixaankii dowladda ee la hakiyay, kuwaa oo ka cabanaya go’aanka ay Wasaarradda Waxbarashada.

Gaar ahaan dibadbaxan oo ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee halbowlaha u ah isku socodka magaalada Muqdisho ayeey dibadbaxayaashu ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Wasiirka Wasaarrada Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo ku dhawaaqay go’aanka Wasaarradda ee lagu hakiyay Imtixaanka.

Ardeyda oo ku labisnaa qaarkood dareyskii Iskuulka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin joojinta Imtixaan waqti badan ku bixiyeen ka qeybgalkiisa, islamarkaana uu dhaqaale uga baxay, hasse ahaatee Wasaarrada Waxbarashada ayaa sheegtay in uusan sii socon karin Imtixaanka marba haddii la helay qishka qaar ka mid ah Maadooyinkii lagu keenay.

Ardayda iyo dadweynaha kale ee bannaanbaxa dhigaya ayaa waxaa mararka qaar rasaas ku ridayay ciidamada dowladda Soomaaliya, inkastoo aan la sheegin wax-yeelo ay geysatay rasaastu.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay cabashada ardeyda iyo go’aanka lagu joojiyay Imtixaanka intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]