4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2019
Tvga Oromiya ee OBN oo lagu darayo qayb Afka Soomaaliga ku hadasha

 

Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Madaxwaynaha degaanka Oromiya Shimalis ayaa mar uu maanta ka hadlayay shirkii nabadaynta Soomaalida iyo Oromada sheegay in Warbaahinta degaanka Oromiya gaar ahaan Tvga degaankaas ee OBN lagu darayo qayb Af Soomaali ah.

Madaxwayne Shimalis ayaa sheegay in qaybta Afka Soomaaliga ee Tvgan uu iskusoo dgawayn doono labada shacab ee Soomaalida iyo Oromada.

Hadda ka hor ayaa maareeyaha Wakaaladda Warbaahinta ee DDS A/risaaq cadhays mar uu tagay Xarunta Tvga OBN waxaa Xafiis laga siiyay Tvga SRTV, sidoo kale waxaa mustaqbalka loo ballan qaaday in qayb Afka Soomaaliga ku hadasha lagu dari doono Tvga Oromiya ee OBN.

Arrintan ayaa qayb ka ahaan doonta isu soo dhawaanshaha iyo is dhex galka Soomaalida iyo Oromada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]