4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2019
Doolow: Laba Dagaalyahan oo katirsanaa Al-shabaab oo is dhiibay (Sawirro)
 
Arbaco, 01 May, 2019 (HOL) - Laba dhalinyaro ah oo kamid ahayd kooxda Al-shabaab ayaa isu dhiibay laamaha ammaanka ee degmada Doolow.

Labadan dagaalyahan oo lagu kala magacaabo Farxaan Cabdi Maxamuud iyo C/laahi Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ay u adkeeysan waayeen dhibaatooyin ay sheegeen in kala kulmeen Al-shabaab.

Gudoomiyaha degmada Doolow Bashiir Xasan C/laahi ayaa sheegay in raggani oo hore uga tirsanaan Al-shabaab ay xiriiro lasoo sameeyay maamulka degmada iyo laamaha ammaanka, isagoo sheegay in si wanaagsan loo soo dhaweeyay, ayna yimaadeen iyagoo hubkooda wata.

Dhinaca kale, isla maanta waxaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo iska soo dhiibay Farxaan C/kariin Fiqi oo Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka sakawaadka.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa isa soo tarayay Saraakiil iyo askar ka tirsan Al-shabaab oo isu soo dhiibaya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo, ayadoo ay xusid mudantahay in dhawaan uu magaalada Baardheere iska dhiibay Aadan Coombe oo kamid ah madaxda dhanka Zakawaadka ugu sareeysa Al-shabaab ee Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.