10/22/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2019
Abiy Ahmed oo u hambalyeeyey Agaasimaha cusub ee xafiiska QM ee Nairobi


 

Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)- Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa loogu hambalyeeyey Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workeneh Gebeyehu Negewo,kaasi oo loo magacaabay agaasimaha guud ee xafiiska QM ay ku leedahay magaalada Nairobi.

Xoghayaha guud ee QM Antonio Gutters ayaa Workeneh Gebeyehu Negewo u magacaabay in xafiiska Jimciyadad Qurumaha ka dhexeysa ee Nairobi agaasime guud ka noqdo.

Raiisul Wasaare Dr Abiy Ahmed ayaa sheegay in Workeneh Gebeyehu Negewo uu yahay shaqsi khibrad iyo waayo aragnimo badan leh,islamarkaana uu ka soo bixikaro shaqada loo dhiibay.

Workeneh Gebeyehu Negewo ayaa mudo 20 sano ah xilal kala duwan ka soo qabtay dalkaasi Itoobiya,waxaana raiisul wasaaraha Itoobiya uu ku ammaanay in uu yahay shaqsi wax badan ka yaqaano maamulka iyo nidaamka dowladnimo oo meelo kala duwan uu kaga soo shaqeeyey.

Wuxuu xusay in uu dhowr muuqda ku lahaa isbedelada iyo dib u habaynta howlaha siyaasadda arrimaha dibadada ee wasaaradda qaabilsan,gaar ahaan dib u soo celinta xiriirka iyo wadashaqeynta Itoobiya ay la lahayd wadamada gobolka Geeska Afrika.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 










Click here
3/9/2019 12:13 PM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)- Kulan ay isugu yimaadeen Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda,taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo hoggaanka sare ee maareeyaha Dekadda ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

3/9/2019 7:51 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u anbobaxay dalka isku taga imaaraadka Carabta oo la sheegay inuu marti qaad rasmi ah ka helay.

3/9/2019 5:52 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigtay Backstone Agaro, oo 53 jir ah oo looga shakiyay in uu ku biiri lahaa Ururka Al-shabaab

3/9/2019 4:10 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Dastuurka dowladda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa warbaahinta u sheegay in meydka Wasiirka la keeni doono maalinta Berri ah, islamarkaana ay isla beri la aasi doono.

3/9/2019 4:00 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Meydka nin dhalinyaro ah ayaa saaka lagu arkay Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan meel ku dhow dhismayaasha ku burburay qaraxii todobaadyo ka hor ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama.

3/9/2019 2:16 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Qoraal ka soo baxay xoghayaha Qaramada Midoobey António Guterres ayaa lagu sheegay in Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Nairobi (UNON), iyadoo uu madax ka noqonayo dhamaan xafiisyada UN-ka ee ku yaalla Nairobi.

3/9/2019 12:47 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale tusaale la yaab leh u soo qaatay dalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay meel laga jecel yahay dhaqan xumadda iyo gardarada.

3/9/2019 12:26 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)- Waxaa soconaya diyaar-garoowga Aas Qaran oo loo sameynayo Wasiirkii Wasaarradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta.