4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2019
Madaxweyne Biixi oo safar shaqo ugu anbobaxay dalka Imaaraadka Carabta

 

Sabti, Maarso 09,   2019  (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u anbobaxay dalka isku taga imaaraadka Carabta oo la sheegay inuu marti qaad rasmi ah ka helay.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinayaan wasiirrada wasaaradaha Macdanta iyo Tamarta, Jaamac Maxamuud Cigaal , Diinta iyo Awqaafta, Khaliil Cabdilaahi Axmed, Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad, waxaana la sheegay in maalmo uu halkaasi shaqo uu u joogi doonno.

Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, oo ka hadlayey ujeedadda safarka madaxweynaha waxa uu yidhi “ Waxa uu safarka madaxweynuhu salka ku hayaa xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya waddamada Imaaraadka carabta iyo Somaliland oo wadaaga xidhiidh siyaasadeed iyo mid ganacsi, islamarkaana ay ka dhexeeyaan hawlo horumarineed oo aad u waaweyni, waxaana uu dardargelin doonaa xidhiidhka labada dal.”

Safarkan madaxweynuhu ku tagay Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya kii labaad ee intii uu xilka hayey ku tago dalkaasi.

Shirkada DP world ee Imaaraadka Carabta ayaa maalgalin ka wadda dekadda Berbera iyo wadaada isku xidhaysa Berbra iyo Wajaale, taas oo la filayo in bishan 15keedda si rasmiya loo bilaabo jidkaasi oo ay ku bixi doonto 111milyan oo dollar.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.