4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2019
Dowladda Kenya oo xirtay Nin looga shakiyay in uu ka tirsan yahay Al-shabaab

 

Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)- Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigtay Backstone Agaro, oo 53 jir ah  oo looga shakiyay in uu ku biiri lahaa Ururka Al-shabaab.

Waxaa ay sheegeen saraakiisha Kenya in ay Ninkan uu ku yimid Mandhera Bas ka soo galay dhinaca Gaarisa, waxaana uu bulshada weydiinayay jihada ay ka xigto Soomaaliya, taasoo keentay tuhunka in uu ka ku biiri lahaa Al-shabaab ama uu basaas u ahaa.

Qofkan la tuhusan yahay ee la xiray ayaa sidoo kale la sheegay in uu sitay buug yar oo ay ku qoran yihiin 100 magaalo oo ka tirsan Kenya kuwaa oo uu booqday,

Sarkaal ka tirsan qaybta la dagaallanka Argagixisada ee Kenya ayaa sheegay in la sii heyn doono  mudo todobo cisho ah, islamarkaana lagu wado baaritaaan la xiriira wax yaabaha lagu tuhusan yahay.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay in ay jiraan dad badan oo u tallaabay dhinaca Soomaaliya kuwaa oo ku biiray Ururka Al-shabaab, sidoo kalana gudaha dalka Kenya ku sugan yihiin dad kale oo u basaasa Al-shabaab una sahla weerarrada ay ka geystaan gudaha dalkeeda. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]