4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2019
Dowladda oo sheegtay in maalinta berri ah la keeni doono meydka Wasiir Xoosh

 

Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Dastuurka  dowladda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa warbaahinta u sheegay in meydka Wasiirka la keeni doono maalinta Berri ah, islamarkaana ay isla beri la aasi doono.

Waxaa uu sheegay in Aaska Wasiirka ay ka qeyb gali doonaan Madaxda Qaranka, islamarkaana ay dhici weyday in maanta la keeno.

Guddiga loo xil saaray ayaa xalay yeeshay kulan waxaana hoggaaminaya Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed  waxaana ka mid ah Wasiiradda, Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo Arrimaha dibadda.

Warar saacadihii hore ee maanta soo baxay ayaa sheegayay in maanta magaalada Muqdisho la keeni doono meydka Wasiirka laakiin war goor dhaw ka soo baxay wasaarradda ayaa lagu sheegay in maalinta berri ah dalka la keeni doono meydka Wasiir Xoosh oo aas Qaran loo sameynayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]