3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo xil sare looga magacaabay Qaramada Midoobey

 

Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)- Qoraal ka soo baxay xoghayaha Qaramada Midoobey António Guterres ayaa lagu sheegay in Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Nairobi (UNON), iyadoo uu madax ka noqonayo dhamaan xafiisyada UN-ka ee ku yaalla Nairobi.

Hanna S. Tetteh oo horay u heysay xilka Agaasimaha Guud ee Xafiiska Nairobi ayaa loo magacaabay Ergeyga u qaabilsan Qaramada Midoobey Midowga Afrika iyo Madaxda Xafiiska Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu ayaa sii wadanaya shaqada uu u hayo qaranka dalkiisa inta Abiye Axmed uu ka soo magacaabayo Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Itoobiya, iyadoo Xafiiska Abiye Axmed ay ugu hanbalyeeyeen Workneh Gebeyehu xilka cusub ee loo magacaabay.

Wasiirkan ayaa shaqooyin kala duwan ka soo qabtay gudaha Itoobiya, waxaa uu heystaa shahaadooyinka xiriirka caalamiga ah iyo kuwo Arts ka ah.

Qaramada Midoobey ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaa xilal sare ka qabanayay mas’uuliyiin xilal ka hayay dowladda Itoobiya, iyadoo sanadkii 2017 Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom loo magacaabay Agaasimaha Guud ee hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 













Click here
3/9/2019 12:13 PM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)- Kulan ay isugu yimaadeen Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda,taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo hoggaanka sare ee maareeyaha Dekadda ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

3/9/2019 10:59 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)- Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa loogu hambalyeeyey Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workeneh Gebeyehu Negewo,kaasi oo loo magacaabay agaasimaha guud ee xafiiska QM ay ku leedahay magaalada Nairobi.

3/9/2019 7:51 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u anbobaxay dalka isku taga imaaraadka Carabta oo la sheegay inuu marti qaad rasmi ah ka helay.

3/9/2019 5:52 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigtay Backstone Agaro, oo 53 jir ah oo looga shakiyay in uu ku biiri lahaa Ururka Al-shabaab

3/9/2019 4:10 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Dastuurka dowladda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa warbaahinta u sheegay in meydka Wasiirka la keeni doono maalinta Berri ah, islamarkaana ay isla beri la aasi doono.

3/9/2019 4:00 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Meydka nin dhalinyaro ah ayaa saaka lagu arkay Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan meel ku dhow dhismayaasha ku burburay qaraxii todobaadyo ka hor ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama.

3/9/2019 12:47 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale tusaale la yaab leh u soo qaatay dalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay meel laga jecel yahay dhaqan xumadda iyo gardarada.

3/9/2019 12:26 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)- Waxaa soconaya diyaar-garoowga Aas Qaran oo loo sameynayo Wasiirkii Wasaarradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta.