4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2019
Meydka Wasiir Xoosh oo la filayo in maanta la keeno magaalada Muqdisho

 

Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)- Waxaa soconaya diyaar-garoowga Aas Qaran oo loo sameynayo Wasiirkii Wasaarradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa la sheegay in uu ku soo booday xanuun deg deg ah, isaga oo halkaa u joogay ama u tagay booqasho Qoys iyo ka qeybgalka Arooska Gabadhiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa baajiyay  Safar lagu waday in uu ku taggo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland, isaga oo ka qeybgali doona Aaska Wasiirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Aaska Wasiirka u xil saartay guddi uu guddoomiye u yahay ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guulleed Khadar. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]