4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2019
Wasaarradda Dastuurka oo ka tacsiyeeysay geeridii ku timid Wasiir Xoosh

 

Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL) - Wasiir ku-Xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasime-waaxeedyada, La-taliyayaasha iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka waxay ka tacsiyadeeynayaan geeridii naxdinta lahayd ee maanta ku timid Marxuum Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dhamaan howlwadeenada Wasaaradda waxay murugada la qeybsanayaan qoyskii, asxaabtii iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdi Xoosh.

Taariikh Nolaleedkii Wasiirka oo kooban :

Marxuum Xoosh ayaa sanadkii 1956 ku dhashay magaalada Jowhar isagoo bilowgii waxbarashadiisii ku soo qaatay magaalada Jowhar, wuxuu shahaaddada koowaad ka qaatay Jaamacadda Toronto isagoo diyaariyay Cilmiga Sociology-ga, kadibna wuxuu cilmiga Sharciga ka diyaariyay Iskuulka Osgoode Hall Law School ee jaamacadda York ee ku taalla Toronto, Canada.

Marxuum Xoosh oo muddo Qareen ahaan uga shaqeeynayay dalka Canada ayaa ka soo shaqeeyay arrimaha Qaxootiga iyo Socdaalka, Qoyska, Shaqaalaha iyo arrimaha Xuquuda Aadanaha.

Bartamihii sanadkii 2011kii, Marxuum Cabdi Xoosh waxaa loo magacaabay Wasiirkii Arrimaha Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ee dowladii Kumeel-gaarka ahayd, intii lagu guda jiray sanadihii 2011-2012ka, wuxuu hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya kaasoo la ansixiyay August 2012kii.

Intaa Kadib wuxuu ka mid noqday Xildhibaanadii Baarlamaankii 9aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo 2012-2016kii noqday Gudoomiyihii Guddi-hoosaadka Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaankii 9aad.

Laga soo bilaabo 2013kii illaa 2018ka, Marxuumka wuxuu la shaqeynayay oo uu ahaa Xubin Sare ee Arrimaha Siyaasadda ee Machadka Dhaqaalaha iyo arrimaha Siyaasadda Bulshada ee Geeska Afrika ee loo yaqaano HESPI isagoo Macahadka kala talinayay arrimaha Sharciga Dastuurka, Federaaleynta iyo Daadejinta Maamulka, Xuquuqda Aadanaha, Sareeynta Sahrciga, Maamulka iyo arrimaha Garsoorka ee bulshooyinka khilaafyada ka soo kabsaday.

Bishii March 2017kii, Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu ahaa shaqsi wanaag badan oo si aad u wanaagsan oo isku mid ah ula dhaqmi jiray dhamaan howlwadeenada Wasaaradda, kan ugu hooseya ilaa midka ugu sareeya.

Gabagabadii, dhamaan howlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Dastuurka waxay Allah ugu baryayaan in Marxuum Cabdi Xoosh uu u naxriisto oo uu Janatul Fidowz ku abaalmariyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]