4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2019
Dibadbax maanta ka dhacay magaalada Diridhabe

 

Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL) - Dibadbax ballaaran ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Diridhabe, banaanbaxan ayaa waxaa isugu soo baxay dadka Oromada ah ee deggan qaybo kamid ah magaalada Diridhabe.

Haddaba banaanbaxan ayay Oromadu isugu soo baxeen waddooyinka waawayn ee magaalada, iyagoo wata boodhadh ay ku qoran yihiin qoraallo ay ku muujinayeen cabashadooda iyo waxay damacsan yihiin.

Banaanbaxyadan maanta ka dhacay magaalada Diri-dhabe ayaa daba socda banaanbaxyo maalinimadii shalay ka bilowday guud ahaan degaamada ay Oromadu degto, taas oo ay kaga andacoonayeen guryo laga dhisay degaankooda oo dad qawmiyadaha kale ah la dajiyay iyagoo raba in Oromo kaliya la dajiyo, iyo sidoo kale iyagoo sheeganaya inay leeyihiin caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa waa siday hadalka u dhigeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]