4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2019
Boliiska Kenya oo Gacanta ku dhigay xarun lagu tababari jiray Al-Shabaab

 

Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL) - Boliiska Degmada, Ngombeni, ayaa Jimcaha Maanta ah weerar ku qaaday Guri ku yaalla degaanka , Kwale, halkaas oo ay tababar ku qaadan jireen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Guriga ay baaritaanka ku sameeyeen Boliiska Kenya ayaa waxaa laga helay , waxyaabaha qarxa, Tuutaha Ciidamada, Mindiyo, Aaladaha lagu Feertamo, Sanaaddiiq ay ku jiraan Kitaabbo, qoraallo Diini ah iyo Calamada Madoow ee ay isticmaalaan, Daacish, Al-Shabaab iyo Boko Haram.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Kwale, Tom Odero, ayaa Jariiradda the Star u sheegay in ay goobtan ka mid ahayd meelaha wax lagu baro dhaq-dhaqaaqyada Argagixisada ah, wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah qoraallada lagu turjumay Afka Sawaaxiliga, si ay u aqristaan.

Mr; Odero , ayaa tusaale usoo qaatay mid ka mid ah qoraallada la tarjumay oo ahaa ‘tuko tayari kwa vita’, oo uu macnaheedu yahay ‘diyaar ayaan u nahay dagaal.’ Taas oo u fududeynaysa in ay si sahlan u qaataan Afkaarta Xagjirnimada” ayuu yiri.

Boliiska la dagaallanka Agragixisada dalka Kenya ayaa sheegay in aysan cidina ku sugnayn xilligii uu howl-galku dhacayay, balse ay tuhunsan yihiin in ay wax yar un ka hor ka baxeen Guriga Kooxihii halkaa ku sugnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]