Jimco, Maarso 08, 2019 (HOL) – Warar goor dhaw soo baxay ayaa
sheegaya in Wasiirkii Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil
uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Dubai, sida uu xaqiijiyay
agaasimaha guud ee wasaarradda Maxamed Abuukar Zubeyr.
“Waxaa hadda isbitaal ku yaala Dubai ku
geeriyooday Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
C/raxman Xoosh Jibriil. Ilaahey ha u naxariisto, janatul firdowsana haka
waraabiyo. Dhamaan eheladii, qaraabadii, qoyskii uu ka geeriyooday iyo dhamaan
umadda Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Ilaahey haka siiyo. Aamiin”ayuu yiri
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka.
Wasiirka ayaa muddo dheer ku soo dhax jiray
dowladdihii isaga danbeeyay dalka, isaga oo dhowr jeer ka mid noqday golaha
xukuumadda, waxaana uu ka mid ahaa wasiirradda miisaanka culus golaha
xukuumadda siweynna uga soo dhax muuqday, gaar ahaan marka ay timaado arrimaha
Dastuurka iyo Sharicga oo uu ku taqasusay.
Waxaa uu waayadii ugu danbeeyay ka shaqeynayay
dhameystirka Dastuurka, waxaana uu wadday kulamo kala duwan iyo shirar lala
yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]