4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2019
Toogasho ka dhacday masaajid ku yaalla Boosaaso oo lagu dilay Suldaan Bashiir Muuse Koonte

Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL)- Nin hubaysan ayaa toogasho ku dilay allaha u naxariisto Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo ka mid ahaa isimadda Puntland,sida ay HOL u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Toogashada ayaa ka dhacday gudaha masaajidka Mubaarak oo ku yaal xaafadda Laanta Hawada halkaasi oo la sheegay in suldaanka geeryooday  uu u yimid inuu ku oogo salaadda Jimcaha. Ninka dilka gaystay ayaa la sheegay inuu ka cararay goobta.

"Ilaalo la socotay suldaanka geeryooday ayaa isku dayay inay gacanta ku dhigaan ninka dilka geystay, balse wuxuu ku tuuray bam-gacmeed sidaa ayuu ku baxsaday". ayuu yiro qof goobjooge ah oo la hadlay HOL.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada dilkan,sidoo kale ma jirto warbixin ka soo baxday hay'adaha ammaanka Puntland oo looga hadlay dilka ka dhacay gudaha masjidka Mubaarak .

Weerarkan ayaa ku soo aadday xilli ay hay'adaha amniga Puntland la tacaalayaan xaaladda amniga ee magaalada ugu weyn ganacsiga Puntland,halkaa oo weerarrada ka dhacaya ay kordheen muddooyinkii u dambeeyay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]