4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2019
Ra’iisal wasaare Kheyre oo maanta tagaya magaalada Kismaayo

 

Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa in uu maanta gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul gobolleedka Jubbaland.

Maalintii shalay waxaa magaalada Kismaayo gaaray wafdi hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah ciidamada ilaalada khaaska ah ee Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa markii uu tago magalada Kismaayo waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa maamulka Jubbaland oo uu ka mid yahay Madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa siweyn loo adkeeyay waxaana inta badan magaalada lagu arkayaan ciidamo aad u hubeysan oo suganaya nabad-galyada guud ahaan magaalada.

Socdaalka ra’iisal wasaaraha ee Kismaayo ayaa u muuqda mid qeyb ka ah dadaallo la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka maamul gobolleedka Jubbaland iyo dowladda dhexe, waxaana si hor dhac ah arintan uga wada hadlay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamul gobolleedka Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]