4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2019
Jaamacadda SIU oo maanta shir cilmi baaris ah ku qabatay Muqdisho


Khamiis, Maarso, 07, 2019 (HOL)- Shirkan oo ay soo qabanqaabisay kuliyadda culuumta bulshada iyo siyaasadda ayaa waxaa lagu qabtay xarunta maamulka ee jaamacadda ee magaalada Mogadisho

Shirkan cilmi baarista ayaa lagu soo bandhigay qoraalo laga sameeyay moodoocyo kala duwan oo ku aaddan siyaasadaha dowaliga ah iyo sida ay tahay in wax looga qabto caqabadaha maamul, amni iyo dhaqaale ee dalka ka jira.

Shirkan waxaa sidoo kale ka soo qayb-galay Robert kuliever oo macalin ka ah The Paris Institute of Political Studies: Sciences Po.

Sidoo kalana ah Cilmi Baara wax ka qora arimaha Soomaaliya, Dr Ahmed Mohammed Ali khaire oo Phd ka sameeyay sharciga dowliga ah macalin ka ah Jaamacadda SIU.

Kadib soo jeedinta cilmbaarista waxaa hadalo kooban shirka ka soo jeediyay guddoonka jaaamacadda oo uu hormuud ka yahay Cismaan Macalin Xassan, guddoomiya ku-xigeenka dhinaca waxbaradda ee Jamacadda Maxmed Yusuf Cumar iyo marti sharf kale.

Shirkan oo kii ugu horreeyay ee dhinica Public policy ee Jaamacaddu qabato ayaa lagu ballamay in si sanadla loo sii wado si cilmi Baarayaahasha Siyaasadda guud ee dowladda ay u helaan meel ay ku soo bandhigaan arimaha ay ku ogaadaan dadaalada ay sameeyaan ee dhinca cilmi barista arimaha khusaysa.

Jaamacadda ayaa xoogga saaraysa arimaha la xiriira cilmi barista wax katari kara baahiya dalka ka jira ee kala duwan.

Abdisalan Nor Dirie ,
Hiiraan Online
[email protected]