4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2019
Ra’iisal wasaare Kheyre oo berri ku sii jeeda magaalada Kismaayo

 

Khamiis, Maarso, 07, 2019 (HOL)- Wafdi hor dhac u ah ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ka degay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul gobolleedka Jubbaland.

Wafdiga tagay maanta magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo tiro kooban oo ciidamo ah kuwaa oo la filayo in ay suganaa amaanka ra’iisal wasaaraha inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doona madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) lama oga mudada uu ra’iisal wasaaruhu ku sii sugnaan doono magaalada Kismaayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro heshiis hoose oo dhaxmaray maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka, islamarkaana booqashada ra’iisal wasaaraha ee Kismaayo noqon doonto dhameystirka heshiiskaa labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]