3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2019
Rag ku eedeysan qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho oo maxkamad la horkeenay

 

Khamiis, Maarso, 07, 2019 (HOL)- Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la horkeenay Rag loo heysto qaraxyadii  dad ka badan ay ku dhinteen ee 22-12-2018 ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo agagaarka Taalada Daljirka iyo weeraro dhowr ah oo ka dhacay magalada Muqdisho.

Ragga qaraxyadaasi loo heysto ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Boorow Aadam,waxaana Maxkamada Ciidamada ay ku eedeysay inay mas’uul ka ahaayeen qaraxyadii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in raggaas ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab,isla markaana ay u qaabil  sanaayeen weerarada loo adeegsado Gawaarida dadka lagu horjaro kadibna la rasaaseeyo iyo sahminta Goobaha ay Shabaab doonayaan inay  weeraraan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Canshuur Cusmaan Abuukar loo heysto weerar lagu qaaday 15-8-2017 Gaari ay saarnaayeen qoyska Reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ahaa Madaxda Shirkadda Dahabshiil ,weerarkaas oo ka dhacay agagaarka Digfeer ayaa waxaa ku geeriyooday Maxruum Maxamed Xasan Cabdi Cawad,isla markaana ay ku dhaawacmeen 5 ruux oo qoyskaas ka mid ah.

Waxaa kaloo lagu eedeeyay weerar 27-9-2017 lagu qaaday Gaari ay la socotay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Canab  Cabdullaahi Xaashi kaas oo ka dhacay degmada Xamarweyne,waxana weerarkaas ku geeriyooday  Marxuumad  Canab  Cabdullaahi Xaashi  iyo Wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka oo lagu Magacaabi jiray Axmed Jaamac Xersi.

 

Sidoo kale Raggaas iyo rag kale oo la socday ayaa xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada Qalabka sida waxa ay ku eedeysay inay qeyb ka ahaayeen weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee Sanadkii 2018 lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magalada muqdisho kaas oo dad badan ay ku dhinteen.

Maxamed Cali Boorow Aadam  ayaa isagana loo heystaa qaraxii ka dhacay  2-9-2018 Xarunta degmada Holw-Wadaag ee Gobolkan Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen 8 ruux 27 kalena ay ku dhaawacmeen

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa fadhiga Maxkamada ka sheegay in Maxkamadeynta raggaas dib la isugu soo laaban doono,waxaana xeer ilaalinta uu ka dalbaday inay soo dhameystiraan cadeymaha ay ku hayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 
 

 

 













Click here
3/7/2019 12:33 PM EST
Khamiis, Maarso, 07, 2019 (HOL)-Shirkan oo ay soo qabanqaabisay kuliyadda culuumta bulshada iyo siyaasadda ayaa waxaa lagu qabtay xarunta maamulka ee jaamacadda ee magaalada Mogadisho

3/7/2019 10:36 AM EST
Khamiis, Maarso, 07, 2019 (HOL)- Wafdi hor dhac u ah ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ka degay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul gobolleedka Jubbaland.

3/7/2019 8:55 AM EST
Khamiis, Maarso, 07, 2019 (HOL)-Shirkii golaha wasiirada Somaliland oo uu shirgudoominayey Madaxweyne Muuse Biixi kuna wehelinayeyy madaxweyne ku xigeenku ayaa maanta lagaga dooday xeerar loo soo gudbiyey oo qaarkood wasaaraduhu soo sameeyeen.

3/7/2019 7:54 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Maamulka shirkadda Qatar Airways ayaa shir jaraa'iid ku shaaciyay xilliga rasmiga ah ee duulimaadka ugu horreeya ay ku imaanayso Qatar Airways magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

3/7/2019 7:43 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Golaha wasiirrada Puntland oo maanta shirkooddii toddobaad laha ahaa ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa sheegay in la dardar galin doono dhismaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo.

3/7/2019 3:01 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)-Qarax xoogan oo jugtiiisa siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goor dhaw ka dhacay inta u dhaxeysa taallada Xaawo Taako iyo Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho.

3/7/2019 2:27 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay warbaahinta Soomaalidu siweyn u hadal hayeen dhacdooyin Kufsiga oo ku soo badanaya qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, ayuu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir in gacanta dowladda uu ku jiro Nin 40 sano jir ah oo sida uu hadalka u dhigay Kufsaday gabar shan sano jirta.

3/7/2019 1:20 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Dowladda Burundi ayaa u muuqata in wali aysan ogolaan go’aanka Ururka Midowga Africa ee qeyb ciidamadooda ka mid ah looga saarayo dalka Soomaaliya.

3/7/2019 1:03 AM EST
Khamiis, 07, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku eedeeyay mukhaabaraadka ajnabiga ah inay sare u qaadeen hawlahooda ay ka fuliyaan Ruushka, waxaana uu shaaciyay in boqolaal basaas ay ka hortageen sanadkii la soo dhaafay oo keliya.

3/7/2019 12:29 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Doorashada gobollada dalka Holland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 20-ka bishan, waxaana ka qaybgalayo labo dhalinyaro Soomaalida dalkaasi ku dhaqan oo xisbiyo kala duwan u tartamaya.

3/7/2019 12:20 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Maamul gobollleedka Puntland ayaa sheegay in ay lagu guuleystay xalinta xiisad ka dhalatay amar ka soo baxay markii hore maamulka oo lagu xiray Suuq Kalluunka ee ku yiilay marsada Boosaaso.