4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2019
Qatar Airways oo shaacisay xilliga ay billaabayso duulimaadka Muqdisho

Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Maamulka shirkadda Qatar Airways ayaa shir jaraa'iid ku shaaciyay xilliga rasmiga ah ee duulimaadka ugu horreeya ay ku imaanayso Qatar Airways magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Illaa toddobo duulimaad oo cusub oo ay billaabayso Qatar Airways , ayaa lagu soo daray duulimaadka Muqdisho,iyadoo xilliga rasmiga ah ee duulimaadka uu billaabanayo lagu sheegay billowga bisha July ee sannadkan.

Xiriirka wanagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo heshiiska ay horay u galeen labada dal  ayaa horseeday shirkadda Qatar Airways inay duulimaad ka billowdo caasimadda Muqdisho,waxaana shirkadda ay ka mid tahay shirkadaha caalamiga ah ee duulimaadyada caalamka sameeya.

Arrintan waxaa kalo ay kor u qaadaysa duulimaadyada caalamiga ah ee uu martigelinayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Turkish Airline iyo Ethiopian Airline ayaa ka mid ah duulimaadyada caalamiga ah ee ka baxa Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]