3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2019
Faah faahin ku saabsan Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)-Qarax xoogan oo jugtiiisa siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goor dhaw ka dhacay inta u dhaxeysa taallada Xaawo Taako iyo Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay meel u dhow halka lagu magacaabo Blue Sky oo ku taala qeybta dambe ee Taalada Xaawo Taako.

 Gaariga Qarxay ayaa la sheegay in la dhigay Afaafka hore ee Maqaayad lagu magacaabo Dalsan oo ku taalla meel u dhow Taalada Xaawa taako ee Magalada Muqdisho. 

Waxaa sidoo kale halkaa ku yaala Koontorool ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ka ilaaliyaan Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana  gawaarida lagu hubiyo.

Waqtiga uu qaraxu ka dhacay goobta ayaa aheyd mid mashquul badan,waxaana ku yaalla goobo Ganacsi oo kale,sida Maqaaxiyo Shaaha laga cabo, Goob Timaha lagu jarto,waxana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo uu qaraxaasi geystay wallow weli sirasmi ah aan loo shaacin.

Ilaa 5 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku geeriyoodeen qaraxan oo imanaya xili horaantii toddoobaadka Qaraxyo waaweyn ka dhaceen wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 













Click here
3/7/2019 12:33 PM EST
Khamiis, Maarso, 07, 2019 (HOL)-Shirkan oo ay soo qabanqaabisay kuliyadda culuumta bulshada iyo siyaasadda ayaa waxaa lagu qabtay xarunta maamulka ee jaamacadda ee magaalada Mogadisho

3/7/2019 10:36 AM EST
Khamiis, Maarso, 07, 2019 (HOL)- Wafdi hor dhac u ah ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ka degay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul gobolleedka Jubbaland.

3/7/2019 10:12 AM EST
Khamiis, Maarso, 07, 2019 (HOL)- Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la horkeenay Rag loo heysto qaraxyadii dad ka badan ay ku dhinteen ee 22-12-2018 ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo agagaarka Taalada Daljirka iyo weeraro dhowr ah oo ka dhacay magalada Muqdisho.

3/7/2019 8:55 AM EST
Khamiis, Maarso, 07, 2019 (HOL)-Shirkii golaha wasiirada Somaliland oo uu shirgudoominayey Madaxweyne Muuse Biixi kuna wehelinayeyy madaxweyne ku xigeenku ayaa maanta lagaga dooday xeerar loo soo gudbiyey oo qaarkood wasaaraduhu soo sameeyeen.

3/7/2019 7:54 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Maamulka shirkadda Qatar Airways ayaa shir jaraa'iid ku shaaciyay xilliga rasmiga ah ee duulimaadka ugu horreeya ay ku imaanayso Qatar Airways magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

3/7/2019 7:43 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Golaha wasiirrada Puntland oo maanta shirkooddii toddobaad laha ahaa ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa sheegay in la dardar galin doono dhismaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo.

3/7/2019 2:27 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay warbaahinta Soomaalidu siweyn u hadal hayeen dhacdooyin Kufsiga oo ku soo badanaya qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, ayuu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir in gacanta dowladda uu ku jiro Nin 40 sano jir ah oo sida uu hadalka u dhigay Kufsaday gabar shan sano jirta.

3/7/2019 1:20 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Dowladda Burundi ayaa u muuqata in wali aysan ogolaan go’aanka Ururka Midowga Africa ee qeyb ciidamadooda ka mid ah looga saarayo dalka Soomaaliya.

3/7/2019 1:03 AM EST
Khamiis, 07, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku eedeeyay mukhaabaraadka ajnabiga ah inay sare u qaadeen hawlahooda ay ka fuliyaan Ruushka, waxaana uu shaaciyay in boqolaal basaas ay ka hortageen sanadkii la soo dhaafay oo keliya.

3/7/2019 12:29 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Doorashada gobollada dalka Holland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 20-ka bishan, waxaana ka qaybgalayo labo dhalinyaro Soomaalida dalkaasi ku dhaqan oo xisbiyo kala duwan u tartamaya.

3/7/2019 12:20 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Maamul gobollleedka Puntland ayaa sheegay in ay lagu guuleystay xalinta xiisad ka dhalatay amar ka soo baxay markii hore maamulka oo lagu xiray Suuq Kalluunka ee ku yiilay marsada Boosaaso.