4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2019
Xeer ilaaliyaha Qaranka : Waxaa xiran Nin 40 sano jir ah oo kufsaday Gabar Shan sano jirta

 

Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)-  Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay warbaahinta Soomaalidu siweyn u hadal hayeen dhacdooyin Kufsiga oo ku soo badanaya qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, ayuu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir  in gacanta dowladda uu ku jiro Nin 40 sano jir ah oo sida uu hadalka u dhigay Kufsaday gabar shan sano jirta.

Xeer ilaaliyaha ayaa soo hadal qaaday kiisaska la xiriira kufsiga oo todobaadyadii u dambeeyay ay ka dhacayeen deegaanno ka tirsan gobolada dalka, isaga oo sheegay in sababta kiisaska soo celcelineysa tahay in aysan cadaalad dhab ah helin kuwa gabood falada u geysta gabdhaha.

Wuxuu sheegay in arin lala yaabo tahay in haddana aad arkeyso walidiinta labada dhinac oo inta cadaallada hor yimaadaan kuu sheegaya in laga heshiiyay kiiska, sidaa daraadeed la sii daayo danbiilaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xitaa kiiska marka leysku dayo in dacwada la qaado ay arinka soo fara-galinayaan xildhibaanno, Senatarro, odayaal dhaqameed iyo walidiintii labada dhinac oo rab in si hoose arinka lagu dhameeyo.

Dhawaan ayeey aheyd markii magaalada Gaalkacyo Kufsi iyo dil leysugu daray gabar 12 sano jir ah oo lagu magacaabo Caa’isho Ilyaas Aadan, waxaana hadda soconaya baaritaan lagu hayo dad loo maleynayo in ay falkani geysteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]