4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2019
Dowladda Burundi oo walac ka muujineysa in qeyb ka mid ah ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya

 

Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Dowladda Burundi ayaa u muuqata in wali aysan ogolaan go’aanka Ururka Midowga Africa ee qeyb ciidamadooda ka mid ah looga saarayo dalka Soomaaliya.

Burundi oo ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya marka laga soo tago Uganda ayaa ku weysay tiro badan oo ciidamadeeeda ah dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab si la mid ah ciidamada dalalka kale ee ka socda midowga Africa oo tiradooda lagu sheegay 21,500 oo Askari.

Madaxeweyne Nkurunziza ayaa sheegay in arintanni tahay khatar dhinaca Amniga ah, sidoo kale waxaa iyana ka soo horjeesatay arrintan Baarlamaanka dalka Burundi oo sheegay in wax la aqbali karo aheyn in ciidamadooda oo kaliya laga soo saaro dalka Soomaaliya, iyadoo ay sii joogaa wali kuwa kale ee ka socda qaarradda.

Dowladda Burundi ayaa soo jeedisay in hoos dhigida tirada ciidamada midowga Africa AMISOM lala wadaajiyo dalalka kale ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawan booqasho ku tagay dalka Burundi,waxaana uu kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas,iyada oo labada madaxweyne ay ku baaqeen kulan degdeg ah oo looga hadlayo go’aanka ciidamada Burundi looga saarayo Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]