4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2019
Soomaali ka Tartamaysa Doorashada Gobollada Holland

 

Khamiis,Maarso  07, 2019 (HOL)- Doorashada gobollada dalka Holland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 20-ka bishan, waxaana ka qaybgalayo labo dhalinyaro Soomaalida dalkaasi ku dhaqan oo xisbiyo kala duwan u tartamaya.

Gobollada Koonfurta iyo Waqooyiga Holland, oo ah magacyada gobollada ugu caansan dalkaasi islamarkaasna ugu dadka badan, ayna ka mid yihiin magaalooyinka Amsterdam, Hague, iyo Rotterdam ayaa waxa musharaxiin ka ah, Nuur Iikar iyo Xamdi Cabdirixmaan Garjeex oo labaduba yaraan ku tagey dalkaasi horaantii 90-naadkii.

Labadan musharax ayaa utartamaya xisbiyada Denk iyo Nida oo ah xisbiyo ay Muslimiintu leeyihiin. Xisbiga Denk ayaa dhowr xildhibaan ku leh gollaha shacabka Holland, halka ay labaduba dowladaha hoose ee Hague iyo Rotherdam xubno ku kala leeyihiin.

Soomaalida ayaa waayadii ugu danbeeyay siweyn uga soo dhax muuqanayay doorashada dalalkii markii horeba qaxootinimada ku tageen, iyaga gaaray qabashada xilal sar sare oo marnaba laga maleysan karin sida Ilhaan Cumar oo gabar Soomaali ah kana tirsan waqtigan Congress –ka dalka Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]