4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2019
Puntland oo sheegtay in la xaliyay xiisad ka dhalatay Suuq la xiray

 

Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Maamul gobollleedka Puntland ayaa sheegay in ay lagu guuleystay xalinta xiisad ka dhalatay amar ka soo baxay markii hore maamulka oo lagu xiray Suuq Kalluunka ee ku yiilay marsada Boosaaso.

Wasiirka Wasaarradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda maamul gobolleedka Puntland Faarax Maxamuud Cawaash ayaa warbaahinta u sheegay in ay isku afgarteen ganacsatada in ay u guraan suuq cusub oo uu maamulku ugu talagalay.

‘’Warar been abuur ah ayaa suuqa la galiyay, dadkii ayaa la qalday oo been loo sheegay, ganacsatada suuqan ayaan u diyaarinay, kulamo ayaan yeelanay waanan isku afgaranay in ay u guuraan suuqan cusub’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sheegay Wasiirka in marnaba dowlad gobolleedka Puntland dayicin ganacsatada Kulluunka, isaga oo intaa ku daray in kulamo is daba joog ah oo ay yeesheen ugu danbeyntii leysku afgartay in loo guuro Suuqa cusub.

Wasiirka ayaa balanqaaday in marka laga soo tago Suuqa hadda sida Ku-meel-gaarka ah loogu wareejiyay ganacsatada maamulku ku howlan yahay dhismaha Suuq cusub oo si rasmi ah ganacsatadan loogu wareejin doono.

Labadii cisho ee la soo dhaafay waxaa ka taagnaa magaalada Boosaaso xiisad iyo dibadbax-yo ka dhashay amar maamulka uu ku xiray Suuqii Kalluunka ee marsada Boosaaso, arintaa oo siweyn ay uga hor yimaadeen ganacsatada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]