Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in go'aan ka gaarista khilaafka xudduud Baddeedka loo daayo maxkamada ICJ
Talaado,Maarso 05, 2019 (HOL) –Ra’iisal
wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa BBC u
sheegay in marnaba uusan wada hadal ka furneyn muranka la xiriira Xudduud
Baddeedka ee ka dhaxeeya labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa
intaa ku daray in taa macnaheedu aheyn in labada dowladdood Soomaaliya iyo
Kenya sidaa ku dhamaanayo xiriirkoodii soo jireenka ahaa daris-nimo iyo waliba
Diblomaasiyaddeed.
Khadar ayaa intaa raaciyay in soo
afjarida khilaafka iyo muranka Badda ay u taalo maxkamada Cadaallada Dunida ee
ICJ , dowladda Soomaaliya-na qorshaheedu yahay in halkaa lagula kala baxo oo
kaliya.
"Soomaaliya iyo Kenya waa
labo dal oo walaalo ah, daris ah, xiriir qota dheer oo isugu jira dhanka
walaalnimada, bulshada iyo dhaqanka ayaana ka dhaxeeyay. Xiriirkaasi wuu jiraa
waxbana iskama baddalin. Arrinta badda oo ay dadku mararka qaar soo hadal
qaadaanna waa dacwad hor taalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, iyada
ayaana ka dhur sugeynaa go'aankeeda".
.Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay warar
sheegaya in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya bishan 12keeda kulan ku
yeelan doonaan magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaa oo ay uga wada
hadlayaan sidii loo xalin lahaa khilaafka ka abuurmay dhulka lagu muransan
yahay ee Xudduud Baddeedka labada wadan, kaddib markii dowladda Kenya ay
dhawaan shaacisay in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jirtay Soomaaliya.
Laakiin marka la eego hadalka Ra’iisal wasaare
ku-xigeenka Soomaaliya ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya wada hadalka la
sheegay in labada madaxweyne ka yeelanayaan arrintan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]