4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2019
Howlgalka xasillinta Gaalkacyo oo dad badan lagu xir xiray

Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL)- Ciidanka amniga Puntland oo saddexdii maalin ee u dambeysay howlgallo ka waday magaalada Gaalkacyo ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyay,iyadoo howlgalka inta uu socday lagu xiray ku dhawaad 60 ruux oo dhallinyaro u badan.

"Dhallinyaro is kooxeysatay oo dhibaato ku ahayd amniga Gaalkacyo ayaa la xir xiray, waxaana loo gudbin doona saldhigga Boosaaso". ayuu yiri taliye ku-xigeenka Booliiska Puntland, ahna taliyaha xasillinta gobalka Mudug, Cismaan Xassan Cawke (Afdolow).

"Howlgalka waa soconaya inta xasillooni loogu soo dabaalayo Gaalkacyo". ayuu ku daray.

Sidoo kale, dhallinyarada iyo kooxaha dhaca iyo falalka amni darro ka geysta magaalada Gaalkacyo ayuu u digay "Ciddii isi soo dhibta oo la shaqeysa laamaha amniga,kana tanaasusha howlaha amniga lidiga ku ah waan cafinayna, ciddii kale ha isku diyaariso xabsiga Boosaaso". ayuu raaciyay taliye ku-xigeenka Booliska.

Howlgallada ayaa ka dambeeyay, kaddib markii magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen falal amniga liddi ku ah oo isugu jiray, dil ,kufsi iyo dhac, iyadoo dadka deegaanka ay ku baaqayaan in muhiimad gaarka ah uu maamulku siiyo amniga Gaalkacyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]