4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2019
Wiil dhalinyarro ah oo degmada Cadaado ku soo bandhigay diyaarad dagaal oo uu gacantiisa ku sameeyay

 

Isniin, Marso, 04, 2019 (HOL)- Axmed Cumar Sahal oo ah Nin dhalinyaro ah oo degan degmada Cadado ayaa warbaahinta iyo bulshada ku dhaqan degmadaasi uu soo bandhiga Axadii shalay diyaarad yar oo nooca dagaal ah oo uu gacantiisa ku farsameeyay.

Diyaarad oo ah nooc macmal ah ayuu ku xardhay calanka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay tahay diyaarad dagaal oo uu ugu talagalay in uu u hadiyeeyo ciidamada cirka Soomaaliya.

Ciidamadii cirka Soomaaliya ayaa bur buray sanadkii 1991kii xiligii oo ay meesha ka baxday dowladda dhexe ee militariga, wixii xiligaa ka danbeeyayna ciidamadu ma aysan shaqeyn.

Qaramada Midoobey ayaa Soomaaliya ku soo rogtay cunaqabateyn dhinaca hubka ah sanadkii 192kii, waxaana hadda muuqata in dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixineyso sidii dib loogu soo celin lahaa ciidamadii cirka Soomaaliya oo mar ahaan jiray kuwa ugu xooga badan qaarrada oo idil.

Wiilkan dhalinyarradda ah ee nashaqadeeyay diyaaradan yar ayaan ka bixin dugsi sare, hasse ahaatee waxaa la sheegay in uu waligiiba jeclaan cilmiga Injeernimada iyo dhismaha.

Ehelada iyo dadka saaxiibka la ah ayaa sheegay in Sahal uu leeyahay hami aad u weyn, hasse ahaatee waxaa ay sheegeen in uusan aheyn taageeradda uu u baahan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]