10/21/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2019
Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso Kulan Kula Qaatay Safiirka Maraykanka Ee Soomaaliya


 

Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo.

Kulanka uu Madaxweynaha Dowladda Puntland la qaatay safiirka maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Gallan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31 Maarso 2019 booqasho ku yimid Boosaaso safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Ambassador Yamamoto isaga oo la kulmay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda".

"Kulankaas oo looga wada-hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani aadan-tinimada, waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay loogana falanqooday taageerada dalka maraykanku siiyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee la xiriira taageerada dhanka amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka, shirkaas waxaa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]










Click here
3/31/2019 3:13 PM EST
Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)- Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa la dhigay ku dhawaad 35 ruux oo sida la sheegay ku sumoobay boorash ay ka cabeen goob lagu quudiyo dadka da’yarta ah.

3/31/2019 12:27 PM EST
Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)–Xukuumadda ayaa gurmadkii ugu horeeyey oo biyo ah u dirtay goboladda bariga, kuwaas oo ay ku jiraan xaalad biyo la’aan ah.

3/31/2019 11:56 AM EST
Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)–If-qoraxeedka wadooyinka ayaa wejigiisii labaad laga bilaabay magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool taas oo wasaarada Tamarta ay wadey.

3/31/2019 7:27 AM EST
Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa shaqadii Agaasimaha xafiiska Wasiirka Arrimaha dibada ka eriday Cabdulaahi Axmed Dool oo sheegay in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya xiriir la yeelato Israa’iil.

3/31/2019 6:15 AM EST
Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday ka qeybgalka shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ka soconaya magaalada Tunis ee dalka Tunisia

3/31/2019 5:58 AM EST
Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay dabkii khasaaraha hantiyeed geystay ee ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.

3/31/2019 5:51 AM EST
Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)–Wararka ka imanaya deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubbadda hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab meel fagaaro ah ku toogteen Afar dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay basaas u ahaayeen hay’addo caalami ah iyo dowladda Soomaaliya.

3/31/2019 1:28 AM EST
Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)–Kaddib kulan gaar ah oo magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Golaha Wasiirradda Soomaaliya ayaa si gaar ah looga dooday Amniga magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyay siweyn u sii xumaanayay.

3/31/2019 1:06 AM EST
Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)-Gaadiidka dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa saakay caadi u shaqeynayay, kaddib amarkii xalay ka soo baxay duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah lagu soo rogay magaalada.

3/31/2019 12:49 AM EST
Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya degmada Guri-ceel gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dab xoogan uu saakay ka kacay kaalin Shidaalka lagu iibiyo oo ku taala degmada.

3/31/2019 12:36 AM EST
Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)–Zuzana Cputova oo u ololeysa ka hortagga musuqmasuqa ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynanimada, iyada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay oo dalkaasi madaxweyne ka noqota.

3/31/2019 12:28 AM EST
Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)–Wararka ka imanaya gobolka Shabellalaha Hoose gaar ahaan degmada Qoryeelay ayaa sheegaya ayaa sheegaya xalay dagaal culus uu duleedka degmadaasi ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab.