4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2019
Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay Agaasime taageero u muujiyay Israa’iil oo shaqada laga eryay

 

Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa shaqadii Agaasimaha xafiiska Wasiirka Arrimaha dibada ka eriday Cabdulaahi Axmed Dool oo sheegay in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya xiriir la yeelato Israa’iil.

Agaasimaha shaqada laga eryay ayaa ku tilmaamay xiriir dhaxmara Soomaaliya Israa’iil uusan cidna wax u dhimeynin islamarkaana muhiim tahay xiriir dhaxmara labada dowladood Soomaaliya iyo Israa’iil.

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uusan la shaqeyn karin ruux taageero u muujiyay Yahuuda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan u yeertay Safiirkii Soomaaliya ee Geneva kaddib markii ay ka aamustay qaraar caalami ah oo Yahuuda looga soo horjeeday.

Waa markii ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya ay shaqada ka saarto mas’uul lagu taageero u muujiyay Israa’iil kuna dhiiri-galiyay dowladda Soomaaliya in ay xiriri dhaw la yeelato.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]