4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday ka qeybgalka shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee Tunis

 

Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday ka qeybgalka shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ka soconaya magaalada Tunis ee dalka Tunisia

Shirka waxaa madaxweynaha Soomaliya ku Wasiirka Wasaarradda Arrimaha dibadda Axmed Cawad Ciise, waxaana lagu wadaa in shirka looga hadlo Arrimaha Falastiin, Yemen, Liibiya iyo Qaddiyadda Syria ee Buuraleyda Golan ee ay Israel xoogga ku heysato iyo qodobo kale.

Waxaa ka mid ah madaxda shirka ka qeybgaleysa madaxweynaha dalka Tuunis ee martida loo yahay, Amiirka dalka Qatar iyo Boqorka dalka Sucuudi Carabiya, waxaana isaga maqan madaxda dalalka Sudan, Soomaaliya, Masar iyo Imaaraatka Carabta oo Wakiil u soo dirsatay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo lagu waday in uu shirkan ku matalo dowladda Soomaaliya ayaan ka qeybgalin shirka sababo la xiriira xaalada siyaasadeed ka taagan gudaha dalka, gaar ahaan dhinaca Amaanka oo madaxda dowladdu ku howlan yihiin sidii wax looga qaban lahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]