4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2019
Xaaf oo ka hadlay dab khasaare ballaaran geystay oo ka kacay saakay degmada Guri-ceel

 

Axad, Maarso, 31, 2019 (HOL)–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay dabkii khasaaraha hantiyeed geystay ee ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.

Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan aad uga xun yihiin dhibaatada ka dhalatay dabka ka kacay goobaha Ganacsi ee baabi’iyey hanti farabadan oo ay lahaayeen dad Shacab ah.

“Aniga oo ku hadlaya Magaceyga, kan Gole-yaasha dowlada iyo Shicibka Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaan xanuunka iyo murugada si dhaw ula wadagayaa Ganacsatada Galmudug ee maalkooda ku waayay dabkii saaka ka kacay degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Madaxweyne Xaaf in Galmudug siyaasad cad uga dagsan tahay ka hor-taga khataraha Dabku ka mid yahay,isla markaana ay filayaan dhawaan inay Magaalooyinka waa weyn ee Galmudug loo helo Gaadiidka Dab-damiska iyo Gargaarka degdega.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]